Madaxda Africa oo Kampala Ku sugan

 


Kampala (TNN)-Hoggaamiyayaasha Africa ayaa magaalada Kampala uga qeybgalaya shir  ma daxeedka midowga Africa. Madaxweyne Shariif ayaa ka mid madaxdaasi Xukuumadda  Ugan da ayaa adkaysay amaanka caasimadooda Kampala. Ciidamada Boliiska ayaa la dhigay  dham aan waddooyinka magaalada Kampala.

Wasiirka arrimaha dibedda ee Uganda Okello Oryem ayaa sheegey in talaabooyin adag ay  q aadeen kuwasoo ay ku adkeynayaan ammaanka iyo wafuuda kala duwan ee shirka ka  qeyb galaysa.

Shirka ayaa axadda si rasmi ah u furmi doona. Shirkan ayaa ku soo beegmaya laba  toddoba ad kadib markii ay qaraxyo ka dhaceen magaalada Kampala kuwaasoo ay ku dhinteen 76 qof.

Kooxda Al-shabab ayaa sheegatey mas’uuliyadda qaraxyadaas waxayna sheegeen in ay  ja waab u ahaayeen howlaha ay ciidamada Uganda ee AMISOM ka wadaan Mogadishu.

Xaaladda Somalia ayaa la filayaa inay hadhayso qoddoba shirkan looga hadlayo. Golaha  was iirrada Midowga Afrika ayaa shirarkii ay lahaayeen labadii maalmood ee la soo dhaafay ka  d oodday sidii ciidamo loogu diri lahaa Somalia. Guinea iyo Djibouti ayaa yaboohay inay ciidamo u diraan Somalia.

Waddamo dhowr ah oo ay ugu horeeyaan Guinea iyo Djibouti ayaa sheegay inay diyaar u yihiin inay ciidamo u diraan Somalia.

Madaxda Africa ayaa xoogga saari doona sidii ciidamo gaadhaya 20 kun oo askari loogu diri lahaa Somalia si ay gacan u siiyaan dowladda Somalia.
 


Source:VOA