Madaxda Xisbiyada Somaliland,oo Kulan La Yeeshay Danjire ka Socday Dawladda Turkiga

 



Hargeysa (TNN) :-Guddoomiyeyaasha xisbiyadda KULMIYE iyo WADDANI Muuse Biixi Cabdi iyo Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) ayaa maanta kulan la yeeshay ergayga dawladda Turkiga u qaabilsan wada hadallada u dhaxeeya Somaliland iyo Soomaaliya oo la yidhaahdo Ah met Rize Demirer.

Kulankan waxa ka soo baxay dhawr qoddob oo Hoggaamiyeyaasha xisbiyadda iyo dawladda Turkigu isku waafaqeen, sida lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay xafiiska warbaahin ta ee xisbul xaakimka KULMIYE oo u dhignaa sidan:-

“Madaxda Axsaabta Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa kulan la yeeshay Ergayga gaa rka ah ee dawladda Turkiga u qaabilsan wadahadalka Somaliland iyo Soomaaliya Ambassador Ahmet Rize Demirer, kulankaas oo ka dhacay xarunta Qunsuliyadda guud ee Turkigu ku leeya hay caasimadda Jamhuuriyadda Somaliland ee Hargeysa gelinkii dambe ee shalay oo taariikh du tahay 27 November 2015.

Kulanka labada dhinac dhexmaray waxa goob-joog ka ahaa Guddoomiyaha Xisbiga tallada Som aliland haya ee KULMIYE, ahna murrashaxa madaxweynaha xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi iyo G uddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI, ahna Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Jamh uuriyadda Somaliland Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) oo ay wehelinaysay mar wo Faadumo Siciid, halka dhinaca dalka Turkiga-na ay ka socdeen Ergayga gaarka ah ee dawla dda Turkiga u qaabilsan wadahadalka Somaliland iyo Soomaaliya Ambassador Ahmet Rize Dem irer, Qunsulka Guud ee Turkiga u jooga Hargeysa Mr. Muzaffer Yükseliyo madax kale.
 

Madaxda Axsaabta Somaliland, gaar ahaan xisbiyada KULMIYE iyo WADDANI, kulanka ay la yeesheen diblomaasiyiinta ka socday dawladda Turkiga, waxa lagaga hadlay sii xoojinta cilaaqaadka siyaasadeed, dhaqaale, ganacsi, isu socodka dadweynaha iyo saaxiibtinimo ee u dhexeeya dalalka Somaliland iyo Turkiga, iyadoo sidoo kale si gaar ah looga wada-xaajooday wadahadallada Somaliland iyo Soomaaliya.


Arrimaha Masuuliyiinta labada xisbi ee KULMIYE iyo WADDANI ay kala hadleen ergayga Turki ga, soona jeediyeen, waxa ugu muhiimsanaa qoddobo ay ka mid ahaayeen;

• In wadahadallada Somaliland iyo Soomaaliya noqdaan qaar natiijo midho-dhal ahi ka soo baxdo
• In dawladda Turkigu dhex u noqoto arrimaha Somaliland iyo Soomaaliya ee dhinacyada;
• Mucaawanada ama dhaqaalaha oo ay u arkaan in si sad-bursiimo ah Soomaaliya u hesho
• Arrimaha Siyaasadda
• Dhexdhexaadinta wadahadalka u dhexeeya labada dal ee Somaliland iyo Soomaaliya
• In intii ay socdeen wadahadalka Somaliland iyo Soomaaliya, wixii lagu heshiiyey ay ka fuli waayeen dhinaca Muqdisho, taasina caqabad ku tahay wadahadalka gogoshiisa ay dhigtay dawladda Turkigu
• Waxa kaloo labada xisbi u caddeeyeen Ergayga Turkiga in mowqifkooda wadahadalladu yahay inay ka soo baxdo madaxbannaanida Qarannimada Somaliland, isla markaana aanay wax ka sokeeya marnaba aqbalayn.
Dhinaca kale, Ergayga gaarka ah ee Turkiga u qaabilsan wadahadalka Somaliland iyo Soomaaliya iyo dublomaasiyiinta kale ee wehelinayey waxay u mahadceliyeen madaxda axsaabta qaranka ee Jamhuuriyadda Somaliland, waxaanay ballanqaadeen;
• In dawladda Turkigu ay dhexdhexaad ka noqonayaan arrimaha u dhexeeya Somaliland iyo Soomaaliya
• In Dawladda Turkigu ay ballaadhinayso qunsuliyadooda Hargeysa oo ay diyaar u yihiin inay wax badan ka qabato tabashooyinka Somaliland qabto, una raadiyaan xal u cuntama reer Somaliland
• In Turkiga iyo Somaliland yeeshaan xidhiidh wanaagsan oo sii socda.”