Madax-dhaqameedyada Hargeysa oo ku Baaqay in aan la Fasaxin Markab ku Xayiran Dekedda Berbera

 


Hargeysa (Timacade News)- Salaadiin iyo madax-dhaqameed ka soo jeeda  dega annada Hargeysa iyo Gabiley, ayaa ka hadlay arrinta markab muddo afar bilood ah ku xayirnaa Dekedda magaalada Berbera.

Madax-dhaqameedkan oo shalay shir-jaraa’id ku qabtay hudheelka Xaraf ee  ma gaalada Hargeysa, waxa ay jawaab kaga bixiyeen hadal ka soo yeedhay mid ka mid ah beelaha Gobolka Sanaag, kuwaasoo u dalbaday in Madaxweyne Rayaale iyo xukuumaddiisu fasaxaan markab iyo shaqaalihiisii oo muddo afar bilood ah ku xayiran Dekedda Berbera, waxaanay dhawaaqaas ku tilmaameen mid aan  jidk eedii la marin.

Suldaan Ismaaciil Suldaan Cabdiraxmaan oo halkaa ka hadlay, ayaa sheegay in markabka Berbera ku xayiran ay arrintiisu ku jirto maxkamad, isla markaana  ha ddii waxba lagu waayo ay tahay in la fasaxo, balse inta ka horreysa aan lagu degdegin sii-dayntiisa.

“Cidda markabka sheeganaysa waa cida aanu hantidayadii ka doonayno, haddii hantidaa la bixiyana markabku waa fasax, waxaanan wallalahay leeyahay yaan layna kala qaybin ee aynu caddaalad ku kala baxno.” Sidaa waxa yidhi Suldaan Ismaaciil Suldaan Cabdiraxmaan.

Waxa isna halkaa ka hadlay Caaqil Cabdillaahi Qalinle Fariid oo sheegay in  marka bka loo sheeganayo hanti, sidaa darteedna laga war sugo caddaaladda iyo  gars oorka. “Suldaannada iyo boqorrada hadlay waxaan leeyahay, hantida ku  gubat ay markabka idinkuba waad leedihiin oo waa wixiinii markabkana waxa leh  shish eeye, ee ha luminina hantidaas,” ayuu yidhi Caaqil Fariid.

Suldaan Maxamed Maxamuud Xandulle iyo Caaqil Xuseen Aw-Muuse oo iyaguna shirkaa jaraa’id ka hadlay, ayaa ku baaqay in aan la sii dayn markabkaas oo ay ku tilmaameen in loo haysto hanti ay leeyihiin muwaadiniin reer Somaliland, sidaa darteedna loo baahan yahay in si cadaalad ah loo kala baxo.

Waxa kaloo madax-dhaqameedyadaasi ugu baaqeen hay’adaha garsoorka, gaar ahaan Guddoomiyaha Maxkamadda Sare inuu sharciyadda dalka u dejisan ku kala xukumo mulkiilayaasha sheeganaya markabka iyo muwaadiniinta hantidoodii ka maqan tahay.



Source:Jamhuuriya Online