Madaxii Wararka ee Horn Cable Tv oo la sii daa yay iyo Xaruntii TV gaasi oo wali Xayiran


Hargeysa( Longlivesomaliland News) Waxa maanta xabsiga New Hargeisa, ee caasimada Hargeisa laga sii daayay Tifaftirihii wararka ee Horn cable Tv,  Ma x ’ed Cabdi Sheekh (ilig), markii uu halkaasi ku xidhnaa ilaa galinkii danbe ee maalinimadii shallay. Hasa ahaatee, waxa wali xidhan xaruntii laliska Tv-ga iyo xafiiskii maamulka Telefishankaasi (Horn cable Tv), kuwaasi oo ilaa hadda sababay in ay joogsadaan habsami u socodka hawlaha Telefishanka.

C/xakiim Max’uud Shirwac oo ka mid ah Masuuliyiinta Telefishankaasi ayaa n oo sheegay in ay xukuumadu caddaysay in Telefishanku uu iyaga u xidhan  y ahay, taasina waxa ay meesha ka saartay tuhunkii ahaa Nin ganacsade ah oo khilaaf ka dhaxeeyay mulkiilaha Telefishanka Farxaan Xaaji Cali. Khilaafka asi oo salka ku hayay lacag dayn ah oo uu ninkaasi ku lahaa Farxaan.

Xukuumada Somaliland ayaan ilaa imika si rasmi ah uga hadlin xadhiga  telefi shanka iyo sababta dhabta ah ee ay waqtigan oo lagu jiro kala guur ay u  xi dhay telefishankaasi. Xadhiga telefishanka ayaa daba socday eedayn ay  xuk uumadu hore ugu soo jeedisay qaar ka mid ah war-baahinta maxaliga ah oo ay ku tilmaantay in ay qayb laxaad leh ka qaateen dhibaatadii dhawaan ka dhacday dhul-daaqsimeedka deegaanka ceel bardaale. Waxaanay  shee gtay in ay buun buuniyeen waxyaabo been ah taasina ay keentay in ay labadaasi beelood isku dhacaan. Arintaasi ayaana dadka darsa siyaasada dawladu ay ku tilmaameen mid ay kaga gabanayso eeda ay ku leedahay dhibta ceel  bar daale.


Waa markii ugu horaysay ee ay xukuumada Somaliland ay xidho xarun war-baahineed iyada oo baryahan danbe u soo jeedsatay in ay gacan bir ah ku qabato dhaqdhaqaaqa saxaafada gaar ahaan tan gudaha. Imika ka hor waxa ay xukuumadu xabsiga u taxaabtay suxuufiyiin kala duwan oo ay ka mid yihiin guddoomiyaha wargeyska Haatuf, Yuusuf Cabdi Gaboobe iyo Tifaftirihii  warg eyskaasi Cali Cabdi Diini oo iyagu muddo dheer ku xidhnaa xabsiga  Mandhe era.. Sidoo kale, waxa ay xukuumadu marar kala duwan xidhay suxufiyiin iyo masuuliyiin kala duwan oo ka tirsan Idaacada Horyaal.

Xadhiga xarumaha war-baahinta iyo wariyayaashu hadii uu sidaa u sii socdo waxa ay keeni kartaa in ay taasi shaanbad madaw ku noqoto sumcada ifaysa ee ay Somaliland ku dhex leedahay bulshada caalamka.


 


Mustafe Future
Longlivesomaliland news
Hargeysa Somaliland