Madaxtooyada Somaliland oo Beenisay Warar Been abuur ah
Madaxtooyada Somaliland ayaa
beenisay warar been abuur ah oo sheegayay in Madaxweyne Daahir
Rayaale wax iska bedeleen Mowqifkii ahaa in uu mar kale isku soo
taagayo Doorashooyinka Madaxtooyada.
Warsaxaafadeed uu soo saaray afhayeenka Madaxtooyada Siciid Cadaani,
ayaa u qornaa sidan: “Wararka ay qoreen, Website-yada iyo
Wargeysyada qaar ka mid ah oo ku saabsan in ay wax iska bedeleen
mowqifkii ahaa in mar kale Madaxweynaha JSL Mudane Daahir Rayaale
Kaahin isku soo taagayo doorashooyinka Madaxtooyada ee inagu soo
fool leh sanadka 2009.
Waxaanu halkan ku cadaynaynaa in wararka noocaasi yihiin kuwo been
ah oo aan sal iyo raad toona lahayn, waxaanay yihiin warar riqiis ah
oo ay fidiyeen dad ka tirsan Mucaaridka, kuna beer-laxawsanaya
shacbiga Somaliland beentaa riqiiska ah.
Madaxweynuhu mar walba waxa uu yahay Madaxweyne qaran oo ay ummadu
soo dooratay Muxaafid iyo Mucaaridba, isaga oo ummada u haya xil
weyn oo ka culus ka xisbinimada.
Ugu danbayntii waxaanu kula talinaynaa dadka wararkaa riqiiska ah
qoraaya in ay ka waantoobaan beenta ay ummada ka iibinayaan”
|