Madaxtooyadda oo u magacawday Gobolada Togdheer, Saaxil iyo Sanaag Agaasime Goboleedyo la mid ah xilka Chief of Cabinet’ka oo isku beel ah

 


Agaasime Goboleedyadan oo ah shan xubnood oo isku beel ah ayay dareen ka bixiyeen dadweyna ha goboladaasi
 


Hargeysa (TNN) Madaxtooyadda Somaliland ayaa la sheegay inay Saddexda Gobol ee Togdheer, Sa axil iyo Sanaag u Magacawday shan Agaasime Goboleed oo aan hore u jiri jirin, kuwaasoo loo kala Magacaabay Wasaaradda Caafimaadka, Macdanta iyo Biyaha, Hay’ada WFP, Bangiyada iyo Waxba rashada.

Agaasimayaashan ayaa la sheegay dhamaantood inay isku beel yihiin Madaxweynaha iyo Chief of Cabinet-ka, waxaana la sheegay inay hawlaha wasaaradahaasi ee Saddexdaasi Gobol Dusha ka M aamuli doonaan.

Sida ay Waaheen u Xaqiijiyeen Ilo wareedyo u dhuun daloola Xubnahan ay Madaxtooyadu  Magac awday ayaa waxay shaaca ka qaadeen inay Masuuliyiinta la magacaabay kala yihiin iyaga iyo  xilal ka loo magacaabayba sidan:- Muuse cabdi waxa loo Magacaabay Agaasimaha Wasaarada  Macda nta iyo Biyaha ee Gobolada Sanaag, Togdheer iyo Saaxil, Cabdi yaasiina waxa loo Magacaabay Aga asimaha Wasaarada Caafimaadka ee Goboladaasi, mustafe Faarax Cali Agaaimaha Hay’ada WFP, C umar Cabadi Axmed Agaasimaha Bangiyada iyo Nin lagu Magaacaabo lafoole oo isna loo  Magacaa bay Agaasimaha wasaarada Waxbarashada saddexdaasi Gobol u qaabilsan.

Lama oga ilaa hada sababta Agaasimayaashan Beesha Madaxweynaha ka soo wada jeeda ee aan hore u jiri jirin loo Magacaabay iyo Ujeedada ka dambaysa toona, balse Magacaabistooda ayaa si da la sheegay waxa si weyn uga soo horjeestay Dadweynaha ku dhaqan Gobolada Sanaag iyo  Sa axiil, kuwaasoo Talaabadan lagu Magacaabay Agaasimayaashan ku tilmaamay mid aan loo sinayn, isla markaana meesha ka saaraysa Saamigii Maamulka Gobolada ay ku lahaayeen Beeluhu, maada ama shanta Xubnoodba ka soo wada jeedaan Beesha Madaxweynaha iyo Chief Of Cabinet-ka oo ka mid ah Beelaha Goboladaasi Dega.

Ma jiro ilaa hada wax war ah oo arintaasi la xidhiidha oo ka soo baxay Xukuumadda iyo cida  Rasmi yan u Magacawday Agaasimayaashan iyo sababta loo Magaacabay toona, hase yeeshee waxa  s halay xaflad laba jaamacadood ku kala saxeexanayeen Heshiis ka sheegay Ku-simaha Xoghayaha guud ee UDUB C/xaliim Maxamed Muuse oo ka dhawaajiyay inay tahay arrin dhibaato ku ah  gobol adaas.

arintan ayaa lagu waramayaa inay dareen Cadho leh ku abuurtay Dadweynaha iyo Madax  dhaqa meedka ku dhaqan Goboladaasi, kuwaasoo la sheegay inay qorshaynayaan inay qaadaan talaabo ay arintan kaga soo horjeedsanayaan sida uu noo xaqiijiyay wariyahayaga Gobolka Sanaag, kaas oo sheegay in dadka goboladaasi aaminsan yihiin in Agaasimayaashan isku beesha ka soo wada jeedaa yihiin Dad shaqadan Mushahar loogu samaynayo.

Wasaaradahan hada loo Magacaabay Agaasime Goboleedyada waxa hore u joogay isu Duwayaal u qaabilsanaa Xukuumadda Gobolada dalka, kuwaasoo shaqadoodu ahayd fulinta Maamulka hawlaha Wasaaradaha ee Goboladaasi, lamana oga waxa iska bedelay hawlihii ay isuduwayaashaasi ay u hayeen wasaaradahaasi iyo waxa ay awooddoodu noqon doonto, inkastoo la sheegay in ay  isudu wayaasha wasaaradahaasi u jooga goboladaasi ay hoos imanayaan Agaasimayaashan cusub
 

 

Source:Waaheen