Madaxwaynaha Siilaanyo oo shacabka u diray dhambaal Hambalyo ah
dhalashada Sanadka Cusub ee 2013-ka
Madaxwaynaha Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa shacabka ku
hambalyeeyay dhalshada sanadka
Hargeysa (TNN) - Madaxwaynaha Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo
ayaa shacabka ku hambalyeeyay dhalshada sanadka cusub ee Miilaadiga
ee 2013-ka oo maalinta bari ah bila abmaya.
War-saxaafadeed Madaxwaynuhu soo saaray ayaa lagu yidhi sidan
“Madaxweynaha Jamh uuriyadda Somaliland, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo),
waxa uu hambalyo ku saabs an munaasibada dhalashada sannadka cusub
ee 2013-ka u dirayaa dhamaanba shacbi wey naha reer Somaliland,
munaasibada bilowga sannadka cusub awgeed oo ka mida munaasiba daha
fasaxa qaran, waxa uu hambalyo u dirayaa dhamaanba shaqaalaha kala
duwan ee da wladda ee shaqooyinka ka nasanaya, Gollayaasha qaranka
iyo dhamaanba shacbiga reer somaliland meel kastay joogaanba.
Madaxweynuhu waxa uu illaahay uga rajaynayaa in sannadkan kiisa kale
ay ku gaadhaan bash-bash, barwaaqo iyo horumar, sidoo kale shucuubta
aduunka waxa uu u rajeeyey horumar iyo nabadgelyo.
WA-BILLAAHI TAWFIIQ
Axmed Saleebaan Maxamed (Dhuxul)
Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.
|