WAR-SAXAFADEED

 


Ku: Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha (Guddoomiye) Hargeysa
Ku: Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta,Dhaqanka iyo Wacyigelinta Hargeysa
Ku: Wasiirka Wasaaradda Wax-barashadda iyo Tacliinta Sare Hargeysa
Ku: Wasiirka Wasaaradda Dib-u-dejinta Hargeysa
Ku: Wasiirka Wasaaradda Dhalinyarada, Ciyaaraha iyo Dalxiiska Hargeysa
Ku: Wasiirka Wasaaradda Boosaha iyo Isgaadhsiinta Hargeysa
Ku: Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Hargeysa
Ku: Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Madaxtooyadda Hargeysa
Ku: La-taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Dadka laga tirada badan yahay Hargeysa
Ku: Maayarka Caasimadda Hargeysa Hargeysa
Ku: Xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye Nac-nac Hargeysa
Ku: Mudane, Cabdillaahi Jaamac Cismaan (Geeljire) Hargeysa
Ku: Xubin Ka mid ah Isu-tagga Dallada Hay’adaha Aan Dawliga ahayn (SONSAF) Hargeysa
 

Ujeeddo: Magacaabid Guddida Qaban-qaabadda Xuska 18 May.


Mudaneyaal iyo Marwooyin,
Sida aad la socotaan waxa foodda inagu soo haya haddii Eebe idmo Xuska sanad guuradda 23aadee maalinta Qaranimada Somaliland ee 18 May, maalintaas oo mudan xus iyo xusuus gaar ah.
Sidaas darteed, waxa aan mas’uuliyiinta qoraalkani sida tooska ah ugu socdo u magacaabay Guddida heer Qaran ee Qaban-qaabadda Xuska Sanad-guuradda 23aad ee maalinta Qaranimadda Jamhuuriyadda Somaliland ee 18 May.

Haddaba, waxaan Guddida Qaban-qaabadda ka rajaynayaa inay xil qaranimo iska saari doonnaan xuska maalinta 18 May oo mudan qadarin gaar ah. Sidoo kale, Maamullada Gobollada iyo Degmooyinka waxa aan farayaa inay Guddida gacan buuxda ku siiyaan gudashada hawshan.
 

 

ALLAA MAHAD LEH


Axmed Saleebaan Maxamed (Dhuxul)
Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.