Madaxwaynaha Somaliland Oo Xafiskiisa Ku Qaabilay Madax Hayada UNDP Mr George Conway

 


Kulankan oo u jeedadiisu ahayd isbarasho, ayuu Mr George waxa uu sheegay in ay tahay markii ugu horaysay ee.......

Hargeisa (TNN):- Madaxweynaha Jamhuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Silaanyo ay aa maanta Xafiiskiisa ku qaabilay Madaxa Hay’adda UNDP ee Qaramada Midoobay u soo magaca wday Somaliland iyo Somalia Mr. George Conway.

Kulankan oo u jeedadiisu ahayd isbarasho, ayuu Mr George waxa uu sheegay in ay tahay markii ugu horaysay ee uu Somaliland yimaado isla markaana uu aad ula dhacay hurmarka iyo wax qab adka ay Somaliland ku talaabsatay isaga oo madaxweynahana iyo shacbigana ku hambalyey dim uquraadiyada iyo wada shaqaynta ka dhaxaysa shacbiga Somaliland taasi oo uu sheegay in ay xoojin-doonto wada shaqaynta ka dhaxaysa Somaliland iyo UNDP, isaguna uu laban laabi doono shaqada loo soo igmaday ee uu halkan u yimid.

Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland ayaa u sheegay Masuulkan in ay ka somaliland ahaan ay wada shaqayn buuxda la yeelan doonto hay’addaha qaramada midoobay iyo beesha caalamk aba una rajeeyey madaxan cusub ee UNDP in ay wada shaqayntii hore uga dhaxaysay ay halkaa si ka sii anba qaadi-doonaan, xaga UNDP ahna sidoo kale ay ka rajaynayaan wada shaqayn buuxda.



ALLAA MAHAD LEH
 


Axmed Saleebaan Maxamed (Dhuxul)
Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.