Madaxwaynaha soomaaliland oo maanta salaadii jimcaha kula tukaday dadwaynaha xaafada jig-jiga yar.

 



Madaxwaynaha jamuuriyada Somaliland waxa uu masjidka ku sugnaa isaga oo aanay la soc on........


Hargeisa(TNN)-Madaxwaynaha Jamhuuriyada Soomaaliland, mudane Axmed Maxamed Maxa muud (siilaanyo), ayaa maanta salaadii jimce kula tukaday shacabka masjidu Faaruuq oo ku yaala xaafada jig-jiga yar ee magaalada Hargeisa.

Madaxwaynaha jamuuriyada Somaliland ,waxa uu masjidka ku sugnaa isaga oo aanay la so con wax ciidan ah oo hubaysani ,waxaana uu madaxwaynuhu madasha soo galay isaga oo u lugaynaya sida dadka kale ee shacabka ah,arintaasi oo lama filaan ku noqotay dadkii ku c ibaadaysanayay masaajidka.


Madaxwaynaha ayaa kusugnaa masjidka intii ay khudbadu socotay isagoo halkaasi kula tuk aday dadwaynihii ku sugnaa masaajidka. Sidoo kalena waxaa masjidka kula tukaday madax wayne ku-xigeenkii hore ee Soomaaliland Axmed Yuusuf Yaasiin,Wasiirka Madaxtooyada Xirsi Cali Xaji Xasan, iyo Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye, Muuse Biixi Cabdi.


Dadwanaha ayaa aad usoo dhaweeyay qaabka iyo hab dhaqanka madaxwaynaha ee uu sh acabkiisa ku dhex jiro markii laga soo dareeray xaflada ayaa uu madaxwaynuhu madasha ka raacay baabuur aan dawli ahayn oo aanay hareero socon wax ciidan ahi waxana uu sii maray jidka waynee dhex mara xaaafada Xero Awr.


Arintani ayaa noqonaysa mid uu madaxwaynuhu ugu kuur galayo xaalada dadka rayidka ah si uu u ogaado xaqiiqooyin badan oo ku wajahan dadka shacabka ah iyo masaajidaba.

Maaha markii ugu horaysay ee uu madaxwaynu kusoo boxo socdalo noocan oo kale ah.

 



Guuleed Muxumed Ibrahim (Guuleed Yare)
Timacade News Desk
Hargeysa, Somaliland