“Madaxwayne Isku Shaandhayntaad Samaysay Hadday Ka Maqan Yihiin Xubnihii Aynu Isku Beesha Ahayn  Bulshada Somaliland Siday Ugu Qancaysaa…” Afhayeenka Beesha Qorilugud

 




Afhayeenka Beesha Qorilugud Maxamed Cawil Sii Arag: waraysi gaara……………..


Qori-lugud (TNN):-Afhayeenka Beesha Qorilugud Maxamed Cawil Sii-arag, ayaa Madaxwayaha Somaliland ku hambalyeeyay isku shaandhayntii uu ku sameeyay golihiisa Wasiirrada, hase-ye eshee, waxa uu sheegay inaanay u muuqato mid uu ka ilaaliyey Wasiirrada Beeshiisa oo aanu Madaxweynuhu cid ka beddelin, taasina ay keeni karto inay Bulshada Somaliland ku qanci-wa do.

Eng. Maxamed Cawil Sii-arag oo ah Afhayeenka beesha Qorilugud oo waraysi kooban shabakad da wararka ee Berberanews, waxa uu ku sheegay in Wasiirrada ay isku beesha yihiin Madaxwe yne Siilaanyo aanay saamaynin isku-shaandhaynta iyo xilka-qaadista Madaxweynuhu sameey ey.

Madaxwayne side bay ugu qancayaan bulshada Soamaliland isku shaandhayn ay ka maqan yi hiin wasiiraddii aynu isku haybta ahayn dhamaantood,mudane Madaxwayne adigoo ka soo jee da qoyskii cadaalad wanaaga lagu yaqaanay ee laguba hal-qabsado miyay kula wacnaatay in aanad taaban oo ay xilkoodii hayaan Wasiiradii Madaxxtooyada ,Duulista, Ciyaaraha, Macdanta. Mudane Madaxwayne marka ay intaasiba joogaan ee waliba aad masuuliyiin cusubna inoogu sii dartay taasi ma fardax galinayaa bulshada Somaliland.” Sidaa ayuu yidhi Sii-arag

Eng. Maxamed Cawil Sii-arag oo hadalkiisa sii wata ayaa intaa raaciyay; “Siday suuragal u tah ay in lagu wada qanco mudane Madaxwayne in isku shaandhayn kasta ay ka maqnaadaan mas uuliyiinta aynu isku haybta hanay,mudane Madaxwayne sawir caynkee ah ayay ka qaadanaya an isku shaandhaynta noocaas ah.”

Eng. Maxamed Cawil Sii-arag oo talo u soo jeediyay Madaxwayne Siilaanyo , ayaa kula dar daar may in aanay isku shaandhayn dambe oo uu sameeyaa u dhicin sidan oo kale. “Mudane Madaxw ayne isku shaandhayn dambe yaan laga waayin inta aad hayb wadaagtaan oo yaan loo arkin hogaamintaada mid qolo ka muuqato.” ayuu yidhi Maxamed Cawil Sii-arag.
 

 


Xigasho: Berberanews