Madaxwayne Ku Xigeenka Somaliland Oo Soo Gaaray Degmooyinka Lughaya Iyo Garbodadar

 

Madaxwayne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Md.Axmed Yuusuf Yaasiin iyo wafti uu hogaaminayo ayaa saaka aroornimadii soo gaadhay degmada Lughaya,

iyaga oo isla saaka dadwaynaha reer Lughaya kala hadlay meel Fagaare ah.

Khadbadii maanta ee Madaxwayne ku xigeenka ayaa ka hadlaysay baraarujinta qiimaha ay leedahay diiwaangalintu.

Waxaa kale oo madaxwayne ku xigeenka iyo waftigiisii ay isla duhurnimadii maantaba soo gaadheen degmada Garbo-dadar , waxan loogu soo dhaweeyey si heer sare ah.

Hase yeeshee cadceeda oo aad u kululayd aawadeed ayaa ay suuroobi wayday inuu kala hadlo dadwayaha reer Garbo-dadar meel Fagaare ah, waxana la filayaa inuu isla caawa meel fagaara ah kala hadlo dadwaynaha ku dhaqan degmada Garbo-dadar.

Madaxwayne ku xigeenka iyo waftigiisa ayaa bari aroornimada u kicitimi doona dhinaca degmada Saylac.

 



Source:Lughaya