Madaxwayne kuxigeenka Somaliland oo shir jaraa’id ku qabtay Laascaanood intuusan ka anbabixin

 


Madaxwayne kuxigeenka Somaliland Axmed Yuusuf Yaasiin ayaa saaka shir jaraa’id ku qabtay hoygiisa uu ka degan yahay magaalada Laascaanood intuusan ka anbabixin , isagoo shirkiisan jaraa’id kusoo qaatay hawlaha diiwaangelinta Gobolka Sool iyo dhamaanba xaalada guud ee Gobolka iyo waliba siyaasada Dawlada ee ku aadan isdiiwaangelinta.

Madaxwaynaha ayaa waxa uu sheegay in isdiiwaan gelintu ay si guud uga socoto Gobolka Sool isagoo xusay in dhamaanba Gobolka Sool ay ka dhacday marka laga reebo deegaanada Taleex iyo Boocame isagoo intaasi ku daray inay si habsanmi ah uga socoto guud ahaan Gobolka oo ah si farxad leh oo aan la filayn.

Sidoo kale madaxwaynaha ayaa waxa uu xusay in Gobolka Togdheer ay ka dhacay dhamaan Gobolkaasi marka laga reebo deegaanka Buuhoodle sidoo kalena Gobolka sanaag ay ka dhacday marka laga reebo Laasqoray taas oo ku tilmaamay inay tahay guul usoo hoyatay Somaliland isdiiwaan gelintuna ay tahay in laga wada qayb qaato.

Madaxwaynaha ayaa waxa uu ku eedeeyay isdiiwangelin la’aantaas ka dhacday Buuhoodle inay tahay arin ay ka danbeeyeen dad kasoo jeeda Buuhoodle oo ku jira xukuumda Somaliland kuwaas oo uu sheegay inay og yihiin wallow uusan carabka ku dhufan.

Isdiiwaan gelinta ayaa waxa uu ku macneeyay inay tahay arin lagu qaybin doono xaqsoor cadaalad ah deegaanada ay ka dhacdy kuwaas oo arimaha dhaqaalaha,waxbarashada,caafimaadka iyo dhamaanba arimaha Bulshada lagu salayn doono tirada deegaanka kasta dadka iska diiwaan geliyay isagoo intaasi ku daray in kaadhku uu yahay xaq in muwaadinku qaato oo uu kaga duwanaado aduunka intiisa kale isagoo intaasi ku daray in dadka qaxoontiga ah ee koonfurta Somalia loo sayn doono qaab degaan.

Ugu danbayntii ayaa madaxwayne kuxigeenku waxa uu si aad ugu mahad celiyay cidii ka qayb qaadatay isdiiwaangelinta Somaliland sida dhalinyarada ka shaqaynaysa oo heegan ugu jira,deeq bixiyayaasha,hay’adaha amniga,saxaafada iyo waliba dhamaanba cidii gacan ka gaystay sida madxawayanaha Somaliland oo gaar uga qayb qaatay goobihii bariga Somaliland ee aysan horay uga dhicin in xukuumad ahaan lagu fan gareeyo goobo cusubna lagu kordhiyo.
 

 

 

 


Ahmed Abdulahi Binow

Isuduwaha wasaarada warfaafinta
iyo wacyi gelinta JSL ee Gobolka Sool