Madaxwayne Rayaale iyo Labada Gudoomiye Xis bi Mucaarida oo Qalinka ku duugay heshiiskii Caalamku ku dhexdhexaadiyay
 

War Degdega: Madaxwayne Rayaale iyo Labada Gudoomiye Xisbi Mucaarida oo Qalinka ku duugay heshiiskii Caalamku ku dhexdhexaadiyay.

Hargeisa(Longlivesomalilad News) Madaxwayne Daahir Rayaale kaahin iyo labada Gudoomiye Xisbi mucaarid Axmed maxamed maxamuud (Siilaanyo) iyo Eng.Faysal Cali waraabe ayaa Galabta Si wada jir ah Qalinka ugu Duugay  hes hiiskii ka koobnaa lixda qodob ee beesha caalamku usoo gudbisay  Jamhuuri yada Somaliland.

Heshiiskan maanta oo ka dhacay Qasriga madaxtooyada Somaliland, Xaflada balaadhan oo loo sameeyay waxa goobjoog ka ahaa Danjiraha ingiriiska  ufa dhiya Dalka ethopia, Sarkaal Sare oo ka tirsan Dawlada Ethopia.

Waxaa kale oo heshiiskan ka qayb galay Gudoomiyeyaasha Aqalada Guurtida iyo Wakiilada Somaliland, intaa ka dib markii Madaxwayne Rayaale iyo  Gudo omiyeyaasha labada Xisbi mucaarid ay Qalinka ku duugeen heshiiska ayaa waxaa hadal ka soo jeediyay halkaasi Madaxwayne Daahir Rayaale kaahin, Gudoomiyaha Xisbiga mucaaridka ah ee kulmiye Axmed Siilaanyo, Gudoomiy a ha Xisbiga Mucaaridka ah ee Ucid Eng.faysal Cali waraabe.

Hadaladaasi ka bacdi ayaa ku Xigeenka Safiika Engiriiska ufadhiya Dalka  eth opia mr.John marshal oo ka wakiil ah Deeqbixiyeyaasha, ayaa hadal  Dardaa ran ah ujeediyay madaxwaynaha Somaliland iyo Gudoomiyeyaasha  mucaari dka.

Gudoomiyaha Golaha Guurtida Mudane Saleebaan Maxamuud Aadan iyo  Gud o omiye ku xigeenka Golaha Wakiilada Somaliland Mudane C/casiis Maxamed Samaale ayaa iyaguna Madashaasi hadal ka soo jeediyay isla markaana u  h anbalyeeyay Xukuumada iyo Xisbiyada mucaaridku heshiiska ay gaadheen.


 


Mustafe Future

Longlivesomaliland News Reporter
Hargeisa/Somaliland.
mccfuture@longlivesomaliland.com