Madaxwayne Rayaale oo Isku shaandhayn ku sameeyay Golahii sa Wasiirada iyo Agaasimeyaal Guud ee Wasaaradaha Somaliland

 


Hargeysa (TNN)- Af-hayeenka Madaxtooyada JSL, Mudane, Siciid Cadaani Mooge, ayaa  wars axa afadeed uu soo saaray waxa uu u qornaa sida tan “Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, M udane, Daahir Rayaale Kaahin, waxa uu maanta isku shaandhayn ku sameeyay qaar ka mid ah Gol aha Wasiirada iyo Agaasimayaasha Guud ee Wasaaradaha dalka.

Madaxweynuhu, isaga oo tix-gelinaya waajibaadka iyo xilka qaran ee Wasaaradaha, isla markaana ahmiyad gaar ah siinaya dar dar gelinta xilkoodaasi, waxa uu maanta , bishuna tahay 23/03/2010 uu go’aansaday in uu isbedel lagu sameeyo xilalka ay hayaan Wasiirada qaarkood, waana sida  ho os ku qoran:-



1. In Mudane, Cabdi Haybe Maxamed, oo hore u ahaan jiray Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo shaqada hadda loo bedelay inuu noqdo Wasiirka Wasaaradda Beeraha.

2. In Mudane, Aadan Axmed Cilmi oo hore u ahaan jiray Wasiirka Wasaaradda Beeraha uu hadda noqon doono Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda.

3. In Mudane, Axmed Cali Casoowe, oo hore u ahaan jiray Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda uu hadda noqon doono Wasiirka Wasaaradda Caafimadka iyo Shaqada.

4. In Mudane, Farxaan Jaamac Ismaacil, oo hore u ahaan jiray Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha uu hadda noqon doono Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Macdanta iyo Biyaha

5. In Mudane, Muuse Maxamed Cabdi, oo hore u ahaa Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Macdanta iyo Biyaha uu hadda noqon doono Wasiiru dawlaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha.



Sidoo kale, Waxa uu Madaxweynuhu uu iyana isbedel ku sameeyay Agaasimayaasha Guud ee Wasaaradaha, kuwaasi oo kala ah



1. In Mudane, Maxamed Cabdi Diiriye oo ahaa Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Dib u Dejinta uu hadda noqon doono Agaasimaha guud ee Wasaaradda Horumarinta Qoyska iyo Arrimaha Bulshada

2. In Mudane, Cabdiraxmaan Maxamed Maal, oo ahaa Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Qoyska iyo Arrimaha Bulshada hadda noqon doono Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Waxbarashada

3. In Mudane, Cabdiqaadir Jibriil Tukaale, oo ahaa Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Beeraha, hadd a u noqon doono Agaasimaha guud ee Wasaaradda Caafimaadka.

4. In Mudane, Cali Cabdi Odowaa, oo ahaa Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Waxbarashada uu hadda noqon doono Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Beeraha

5. In Mudane, Anwar Axmed Cige, oo ahaa Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka uu hadda noqon doono Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Dib u Dejinta.



Dhinaca kale, Madaxweynaha JSL, Mudane, Daahir Rayaale Kaahin, isaga oo tix-gelinaya wada  sha qayn la’aantii ka dhaxaysay Wasaaradda Caafimaadka iyo Guddida Cisbitaalka guud ee Hargeysa, iyadoo waajibaadka guddidaasi ay ahayd in ay wakiil uga tahay cisbitaalka Guud Wasiirka  Wasaar adda Caafimaadka iyo Shaqada, oo isna hawsha wakiil uga ah Xukuumadda, taas oo dhici wayday in ay Guddidu sidii waajibaadkeedu xilkooda u gutaan, waxa kale oo iyana guddidu ay joojisay wada shaqayntii ka dhaxaysay Wasaaradda Caafimaadka, taas oo waxyeelo gaadhsiin karta hawlihii  sha qo ee Cisbitaalka guud ee Magaalada Hargeysa, sidaa awgeed Madaxweynaha Somaliland, Muda ne, Daahir Rayaale Kaahin, waxa uu go’aansaday in guddidaasi la kala diro, maadaama ay xilkoodii sidii loogu tallo galay ay u gudan waayeen”.

 



Timacade News Network (TNN)
Hargeisa/somailand
timacadenews@hotmail.com