Madaxwayne Rayaale Oo Ku Soo Aadan Gobolka Oodwayne

 

Xaaji Saleem Cali Ducaale,oo xubin ka ah Golaha Guurtida,kana soo j eeda Gobolka Oodwayne,iyo dhamaan qurbajooga Gobolka Oodway ne ee deggan dalka Emaaraadka Carabta,ayaa ugu baaqay shicibka Reer Oodwayne inay Madaxwayne Riyaale ku soo dhaweeyaan caleemo qoyan & caano geel.

Madaxwayne Riyaale oo beryahan ku jiray safar shaqo, ayaa la fila yaa inuu caawa oo Axad ah, kusoo hoydo magaaladda  Oodwayne.

Sida laga warqabo, Gobolka Oodwayne ayaa aad uga danbeeya Gobo ladda kale, marka la eego dhinaca waxbrashada, caafimaaadka, iyo adeegyada bulshada kala duwan.Qodobka ugu horeeya ee Reer  od wayne kala hadli donaan Madaxwayne Riyaale ayaa la filayaa inuu noqodo hagaajinta jidka isku xidha Hargeisa-Oodwayne –burco,oo iminka gacanta lagu hayo,iyo Cisbitaalka xidhan oo la furo.


Waa markii labaad ee Madaxwayne Riyaale booqasho ku yimaado Oodwayne , intii uu xilka hayay.Waxaanu leenahay safar salaama iyo hawl wanaagsan.

 


 

Yusuf Jama “ Shabaash”  Dubai
Jama.yusuf36@yahoo.com