Madaxwayne Rayaale oo maanta Qasriga ku qaabilay wafdi ka socday dalka Norway
 

Madaxwaynaha Somaliland Daahir Rayaale Kaahin ayaa maanta Qasriga  Madaxto oyada ku qaabilay wefdi ka socda Qurba jooga dalka Norway. Waxana wafdigaasi ka mid tahay fanaanada Tenya oo u dhalatay Dalka Norway isla markaana ku hadasha Afka somaliga.

Waxa sidaa lagu sheegay war-saxaafadeed maanta ka soo baxay xarunta Qasriga Madaxtooyada Somaliland oo uu ku saxeexan yahay Af hayeenka Madaxtooyada ahna la taliyaha Madaxwaynaha dhinaca War-baahinta;


War-saxaafadeedkaasi oo dhamaystirani waxa uu u qornaa:

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Daahir Rayaale Kaahin, waxa uu maanta qasriga Madaxtooyada ku qaabilay wefdi ka socda Qurba jooga dalka Norway.
Wefdigaasi oo ay ka mid ahaayeen Fanaaniin, Wakiilada Somaliland iyo Madax kale oo ka tirsan Somaliland, waxa ku jirtay gabadha reer Norway ee magaceeda la yidhaahdo Taaniya, gabadhaasi oo ku caan baxday in ay ku heesto heeso badan oo Af-soomaali ah, iyadoo u dhalatay dlaka Norway.
Wefdigaasi waxa Madaxweynuhu ugu mahad naqay socdaalka ay ku yimaadeen Somaliland iyo sidii diiranayd ee ay ugu soo dhaweeyeen isaga iyo wefdigiisuba markii ay booqashada ku tageen dalka Norway sanadkii 2007-kii.

Wefdigaasi oo ay hogaaminaysay Fanaanada Taanya, waxa ay Madaxweynaha iyo xukuumada Somalilandba ugu mahad naqeen sida diiran ee kalgacalka leh ee lagu qaabilay intii ay joogeen Jamhuuriyadda Somaliland iyo casuumada sharafta leh ee loo fidiyay, waxana ay Madaxweynaha gudoonsiiyeen hadyado ay ku sharfeen, laguna xasuusan doono socdaaladoodii ay ku yimaadeen Somaliland.

Wefdigaasi Maanta Madaxweynuhu qaabilay, waxa kale oo goob joog ka ahaa  Wa siirka Hidaha iyo Dhaqanka Mudane C/risaaq Waaberi Rooble, C/samad Maxamed Cabdillaahi oo isaguna ka mid ahaa qurba jooga reer Norway iyo Fanaanka caanka ah ee la yidhaahdo Maxamed Himilo, isla markaana waxa xafladaasi soo  dhaway nta ah ka qayb galay Wakiilka Somaliland ee Norway Mudane Maxamed Maxamuud Aadan “Linin” iyo Wakiilka Somaliland ee Ireland Mudane Cabdi-fataax Siciid  Axme d Guuleed iyo Xoghayaha Gaarka ah ee Madaxweynaha Mudane Axmed Maxamed Ciise.

 


Alla Mahad leh
Siciid Cadaani Mooge
Af-hayeenka Madaxtooyada Jamhuuriyada Somaliland