Madaxwayne Rayaale oo Xilkii wasiirnimo ka q aaday seddex wasiir oo ay gobol ka soo wada jeedaan Axmed Siilaanyo kuwo cusubna magacaabay


Hargeisa (Longlivesomaliland News) Madaxweyne Rayaale ayaa maanta Xilkii ka qaaday qaar ka mid ah wasiiradiisa isaga oo kuwa cusubna  maga caabay. Waxa arinkaa lagu caddeeyay war-saxaafadeed maanta ka soo baxay xarunta Qasriga Madaxwaynaha oo uu ku saxeexan yahay Af-hayeenka Madaxwaynaha Saciid Caddaani Mooge.

Masuuliyiinta cusub ee uu maanta xilalka u magacaabay Madaxwayne Rayaale, oo sida lagu sheegay war-saxaafadeedkan u cuskaday Qodobka 90 aad, ee Distoorka Qaranka Somaliland, waxa ay kala yihiin:

Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyada inuu si rasmiya ula wareego  xilke eda Mudane Xasan Axmed Ducaale “Xasan Macalin” oo hore u ahaa Wasiirul dawlaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha.

Mudane Farxaan Jaamac Ismaaciil in uu ahaado Wasiirul dawlaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha.

Mudane Muuse Cabdi Maxamuud in uu ahaado Wasiirul dawlaha Wasaaradda Macdanta iyo Biyaha

Mudane Saleebaan Warsame Guuleed in uu ahaado Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhiga

Mudane Axmed Cali Warsame “Ubaxle” in uu ahaado Wasiirka Wasaaradda Wershadaha.

Sidoo kale, Madaxweynuhu waxa uu xilkii Wasiirnimo ka qaaday:-

Mudane Cabdillaahi Cali Ibraahim oo ahaan jiray Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhiga

Mudane Maxamed Saleebaan Maxamed oo ahaan jiray Wasiirka Wasaaradda Wershadaha

Mudane Jaamac Cabdillaahi Nuur “Haybe” oo ahaan jiray Wasiirul dawlaha Wasaaradda Macdanta iyo Biyaha.

Madaxweynuhu waxa uu ku amray Wasiirada cusub ee xilka loo magacaabay inay sida ugu dhakhsaha badan xilka ula wareegaan.

Lama garanayo ilaa imika sababta rasmiga ah ee uu Madaxwayne Rayaale xilalka uga qaaday qaar ka mid ah wasiiradiisa isla markaana uu u magacaabay kuwo cusub iyada oo waqtigan dalku uu ku jiro xaalad kala guuro sidoo kale khilaaf siyaasadeed uu u dhaxeeyo xukuumada iyo xisbiyada mucaaridka ah ee dalka.

Sedexdan wasiir ee xilka laga qaaday ayay gobol ka soo wada jeedaan Guddoomiyaha Xisbiga mucaaridka ugu wayn Somaliland ee Kulmiye Axmed Max’d Max’uud (Siilaanyo).

Waxa sidoo kale dhawaan xilka laga qaaday wasiirkii hore ee wasaarada Ganacsiga Somaliland Cismaan Qaasim Qodax oo erigiisa qaar ka mid ah dadka siyaasada u dhuun daloolaa ay ku sheegeen in ay timid markii uu wasiirku booqday guddoomiyaha xisbiga kulmiye Axmed Max’ed Siilaanyo oo ay gobol ka soo wada jeedaan.

 



Longlivesomaliland News Desk
Hargeisa, Somaliland