Madaxwayne Siilaanyo Iyo Mujaahid Cabdiraxmaan Aw Cali Oo Kullan Yeeshay

 

 

Hargeysa (TNN) :- Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Siilaanyo iyo mujaah id Cabdiraxmaan Aw Cali Faarax, ayaa muddo dheer ka dib toddobaadkan yeeshay kulan ka dhacay madaxtooyada.

Kulankaas ayaa ahaa casho sharaf ay Madaxweyne Siilaanyo iyo xaaskiisu u sameeyeen Mujaahid Cabdiraxmaan Aw Cali Faarax iyo xaaskiisa, waxaanu qabsoomay habeenimadii Isniintu soo galaysay ee toddobaadkan.

Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay kulankaas, lamana sheegi karo in lagaga wada hadl ay arrimo siyaasadeed iyo in kale. Laakiin kulankaas ayaa noqday mid ay faaqidaadiisu labadii caano maal ee u dambeeyay ku badnayd goobaha lagu falanqeeyo siyaasadda Somaliland.

Wararka qaar ayaa sheegaya in Madaxweyne Siilaanyo uu Mujaahid Cabdiraxmaan Aw Cali weydiiyay talooyin lagaga gudbi karo xaaladaha siyaasadeed iyo dhaqaale ee dalka ka jira, halka ay warar kalena sheegayaan in kulanku ahaa mid qoys oo aanay wax siya asad ahi wehelin.

Si kastaba ha ahaate, Mujaahid Cabdiraxmaan Aw Cali, ayaa marka uu ku jiro iyo marka uu ka maqan yahayba xiiso u yeela siyaasadda Somaliland, waxaana lagu yaqaanaa nin ay ku hirdaan inta badan siyaasiyiinta Somaliland ee ay isla soo mareen halgankii SNM.



Source: Geeska