HAMBALYO MADAXWEYNE

 

 

Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane. Axmed Maxamed Silaanyo, isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland, wuxu dhamba al hambalyo iyo boogaadin ah u dirayaa Ra'iisal-wasaaraha Cusub ee Britain Theresa May oo maantoo Arbaco ah 13.07.2016 la wareegtay xilka hogaamiye-nimo ee dalkaas.

Madaxweynuhu waxa uu dhambaalkiisa ku yidhi”Anigoo ku hadlaya Magacayga ka dawlad ayda, iyo kan shacbiga Somaliland gudo iyo dibedba, waxan kuu soo gudbinayaa hambal yo iyo bogaadin ku aaddan xilka cusub ee ra’iisal wasaaranimo ee laguugu doortay dalkaa ga inaad hoggaamiso ”.

Waxan si muqleh kugu rajaynayaa inuu kuu fududaado xilkaa culusi, oo aad uga jibbo kee nto si buuxda. Somaliland iyo Boqortooyada Ingiriiska waxa ka dhexeeya xidhiidh qoto dheer

oo soo jireena, soona taxnaa qarniyo, kaasoo ku dhisan is-aaminaad, istixgelin, wax wada qabsi iyo iskaashi dhinacyo badan leh, waxana xidhiidhkaasi kor u sii qaaday oo xoogeey ey ra’iisal wasaarihii kaa horeeyey Mr David Cameron, oo April 18/ 2013, nagu qaabiley Xarunta looga arrimiyo dalkiinna ee10 Downing Street, anigoo ku rajo weyn inaad adigun a halkaa ka sii ambaqaadi doonto xidhiidhka labada dal, kaasoo wax badan ku soo kordhi ndoona, wada shaqaynteenna, gaar ahaan, dhinacyada siyaasadda, dhaqaalaha, horuma rka iyo arrimaha nabadgelyadaba.



Waxaan mar kale kugu bogaadinayaa caleemo saarka xilka ra’iisal wasaarenimo iyo masu uliyada laguu cugtay, anigoo ku han-weyn, kuna kalsoon inaad dalkaaga u horseedi doonto horumar iyo barwaaqo.

 



ALLAA MAHAD LEH



Cabdiraxman Sh. Cilmi Fahiye (Shamax)

Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.