Madaxwayne Siilaanyo Oo Hambalyo Udiray Shacabka Somaliland Bisha Barakaysan ee Ramadaan Awgeed

 

 

 


Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Silaanyo) waxa uu Dhambaal Hambalyo ah u dirayaa Shacbiga Somaliland Meelkastoy Joogaan Dalka Guddihiisa & Debediisaba, Busha Barakaysan ee Ramadaan Awgeed, uguna Bushaararayn aa Bisha Barakaysan ee Ramadaan oo Kowsatay caawa, ILLAAHAY-na waxa uu uga Barya yaa inuu Sannadka Sanadkiisa Bash-Bash & Barwaaqo ku gaadhsiiyo bishan bisheeda.

waxa kale oo madaxwaynuhu uu dhambaalkan mid la mid ah u Dirayaa Shucuurta islaamka ee Caalamka ku nool.


Madaxweynuhu waxa uu sidoo kale uu Bisha Barakaysan Awgeed ILLAAHAY uga barayay aa Bukaan jiifka ay ramadaan ugu soo gashay iyaga oo aanu caafimaad koodu taam ahayn awoodina aan u lahayn soonka ALLE inagu waajibiyey, in uu ka dulqaado xanuunka, intii dhimatay ee aan nasiibka u yeelan in ay innala qaatan farxadan qaaliga ah ee Bisha Rama daana waxa uu Illaahay uga baryay danbi dhaafo.
 

 


ALLAA MAHAD LEH

Axmed Saleebaan Maxamed (Dhuxul)
Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.