Madaxwayne Siilaanyo oo ka noqday safiirkii uu Ethiopia u magaacay,lana sheegay in uu mid cusub u magacaabay:-



Talaabadan uu Madaxweyne Siilaanyo kagala noqday xilkii Safiirnimo Maxamed Xasan Siciid  ay aa la sheegay inay ka cadhoodeen


Hargeysa (TNN) Madaxweyne Axmed Siilaanyo ayaa la sheegay inuu ka noqday xilkii uu u  maga caabay Safiirkii Itoobiya Maxamed Xasan Siciid, kaasoo ah nin dhalinyaro ah oo aan xilkaas ilaa hada lagu wareegin isla markaana ku sugan tan iyo markii la magacaabay magaaladda  Harge ysa.

Waxay uu warkaasi intaa ku daray in jagadaasi loo magacaabay Wariye ka tirsan Laanta Af-ka Somaliga ee BBC’da oo la yidhaahdo Aadan Nuux Dhuule kaasi oo aan ilaa hada si rasmi ah loo soo saarin magacaabistiisa, isla markaana aan la kala ogayn inuu aqbalayo iyo inkale.

Talaabadan uu Madaxweyne Siilaanyo kagala noqday xilkii Safiirnimo Maxamed Xasan Siciid  ay aa la sheegay inay ka cadhoodeen Siyaasiyiinta iyo Odayaasha Beeshiisu, kuwaasoo la sheegay inay shalay kulan garnaqsi ah la yeesheen Madaxweyne Siilaanyo, taasoo ay kaga dalabdeen inuu u cadeeyo arrintaas iyo inkale iyagoo u arkayay inuu yahay xilkii kaliya ee uu beesha  siiy ay kadib markii uu ka qadiyay Wasiiradii, taasoo sababtay beeshu inay ka gadoodo maadaama ay tirsanayeen inay ka helayaan Sad-buursimo weyn oo ay ku goosanayeen taageeradii aan kala hadhka lahayn ee ay u fidiyeen Xisbigiisa.

Kulankaasi garnaqsiga ah ayay wararku sheegeen Madaxweynuhu inuu ka war-wareegay  jaw aabta Su’aashooda, isaga oo weydiiyay Safiirku miyaanu mar hore shaqo tagin? Hadana wuxuu raaciyay muddo il-bidhiqsiyo ah gudaheed, Itoobiya ayaa igu soo celisay waxaanan u  magaca abay nin kale, taasina waxa ka booday Odayaashii iyo Siyaasiyiintii ka socday Beesha uu  Safiir ku ka soo jeedo oo u arkay inuu Madaxweynuhu ku Jees jeesayo, sababtayna in hadalo kul  kul uli dhex maraan labada dhinac.

Inkastoo aanay ilaa hada cadayn go’aanka ay ku kala tageen labada dhinac, hadana waxa ay wararka laga helayo Madaxtooyadu sheegayaan in Madaxweyne Siilaanyo ku adkaystay inaanu ka tanaasulaynin go’aankiisan danbe balse la filayo inuu la kulmo Safiirka si uu ugu qanciyo inuu xil kale u magacaabo .


Hase yeeshee Safiirka Maxamed Xasan Siciid oo aanu shalay wax ka weydiinay arrintan ayaa sheegay in aanay waxba ka jirin isla markaana uu yahay war ku jira suuqa oo aan sal iyo raad toona lahayn, balse waxa jiritaanka warkan laga dareemayay Beeshiisa oo xalay kacsanayd isla markaan shirar isdaba joog ah ka yeelatay talaabada uu Siilaanyo kagala noqday xilkii uu saami ahaan Beeshooda u siiyay, waxaanay xubno ka mid ah Beeshaasi noo sheegeen inay ka qaadan doonaan beel ahaan go’aan adag oo ay dareenkooda ku muujin doonaan.

Tan iyo intii uu Axmed Siilaanyo Xilkaasi magacaabay waxa soo if-baxayay warar sheegaya in  uu xumaaday xidhiidhka Itoobiya iyo Somaliland, arrintaas oo ay masuuliyiinta Xukuumaddu ma rar badan beeniyeen hase yeeshee waxa ay muujiyay jiritaanka warkaasi go’aanka danbe ee uu Madaxweynuhu qaatay oo ah mid deg-deg ah oo aan Bislayn taasoo ku soo hagaagtay xili la doonayo Xukuumadda in lagu qiimeeyo balan qaadkeedii ahaa Boqolka maalmood ee u horeeya oo ay tani ka mid ahayd, dad badanina ay ku dhaliilayeen Xukuumadda inay dayacday  xidhiid hka Itoobiya iyo Somaliland maadaama ay tahay Dalka ugu muhiimsan ee furaha u ah hayaanka ay Somaliland ugu jirto Ictiraaf raadinta.

 

 



Khadar Cabdi Muuse
Timacade News Desk
Hargeisa/somaliland