Madaxwayne Siilaanyo oo shacabka ka tacsiyadeeyay geerida Guddoomiyihii hore ee Baanka

 



Madaxwayne Siilaanyo, waxa uu Marxuumka ALLE uga baryey inuu u naxariisto uu.............


Hargeysa (TNN) – Madaxwaynaha Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa Tacsi u diray Gu ddoomiyihii hore ee baanka Somaliland Marxuum Cabdiraxmaan Ducaale Maxamuud oo galabta ku geeriyooday Magaaladda Hargeysa.

Madaxwayne Siilaanyo, waxa uu Marxuumka ALLE uga baryey inuu u naxariisto uu janadii Farduusa ka waraabiyo.

War-saxaafadeedka Tacsida Madaxwaynaha ayaa u dhignaa sidan “Madaxweynaha JSL, Dr: Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa uu tacsi u dirayaa, Ehelkii, Qaraabadii, Qoyskii, Asxaabtii, iyo dhamaan shacbiga reer Somaliland, oo uu ka tacsiyadaynaayo Geerida ku timid gudoomiyihii hore ee Baanka Somaliland, MARXUUM, CABDIRAXMAAN DUCAALE MAXAMUUD, oo galabta ku geeriyooday magaalada Hargeysa.


Madaxwaynuhu waxa uu ILLAAHAY uga baryayaa Marxuumka inuu naxariistii Janno ka waraabiyo, Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo dhamaan shacbiga reer Somaliland ee uu ka baxayna Samir iyo Imaan ka siiyo.
 


IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN


Axmed Saleebaan Maxamed (Dhuxul)
Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.