Madaxwayne Siilaanyo oo Xafiiskiisa ku Qaabilay Xog-hayaha guud ee Qaramada midoobay u qaabilsan Somaliland iyo Soomaaliya, Mr, Augustine Mahiga
 

 


Booqashadan Augustine Mahiga oo ka mid ahayd safaradii uu hore ugu iman-jiray Jamhuuriyad da Somaliland


Hargeysa(TNN)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Maxamu ud (Siilaanyo) waxa uu maanta Xafiiskiisa ku qaabilay Wakiilka gaarka ah ee Xog-hayaha guud ee Qaramada midoobay u qaabilsan Somaliland iyo Soomaaliya, Mr, Augustine Mahiga oo booq asho laba meelmood ah ku yimid dalka.

Booqashadan Augustine Mahiga oo ka mid ahayd safaradii uu hore ugu iman-jiray Jamhuuriyad da Somaliland waxa uu Madaxweynuhu kaga warbixiyey kulankan Arrimo la xidhiidha nabad-gel yada iyo taageerada ay xukuumadiisu ka doonayso beesha caalamka inay ka taageerto adkay nta iyo kobcinta hawlaha nabad-gelyo ee dalka ka socda iyadoo la tixgelinayo khataraha, xas ilooni daradu keento ee ka jira mandaqada geeska afrika.

Waxa kale oo uu Madaxweynuhu ka waramay hawlaha fidinta Dimu-quraadiyadda ee Dalka ka socda iyo Doorashooyinka Golayaasha deegaanka ee qorshaysan inay dalka ka dhacaan sanadkan.

Waxaanu si gaar ah madaxweynuhu tilmaamay in kala saaridii ururada siyaasada ay imika u gud been mar xaladii ugu danbaysay oo ah inay ka qayb galaan doorashada golayaasha deegaanka oo ay u soo baxeen 6 urur oo cusub iyo 3dii xisbi qaran ee hore u jiray.

Dhinaca kale wakiilka gaarka ah ee xoghayaha qaramadada midoobay u qaabilsan Somaliland i yo soomaaliya, Augustine Mahiga ayaa isna ku dheeraaday sida ay beesha caalamka iyo xog-hayaha guud ee Jimciyada Quruumaha ka dhaxaysaaba ay ugu faraxsan yihiin guulaha wax ku oolka ah ee ay Somaliland ka soo hoysay dhinacyada nabad-gelyada, Dimuquraadiyadda, dawl ad wanaaga, la dagaalanka Budhcad badeeda iyo wax ka qabashada nabad-gelyo darada ka a loosan geeska afrika.

Waxaanu ka waramay sida ay beesha caalamku diyaarka ugu tahay inay laban-laabto wada sh aqaynta iyo taakulaynta ay u fidiso Somaliland oo caalamku u arko inay tusaale wanaagsan u noqon karto Geeska afrika

Ugu dambayntii waxa uu tilmaamay muhiimada uu leeyahay shirka ka dhici doona magaalada Is tanbuul ee dalka Turkiga, horaanta bisha June ee sanadkan, isagoo ku dhiiri geliyey inay Soma liland ka qayb gasho shirkaas, oo ah mid waxku ool ah.


ALLAA MAHAD LEH


Cabdillaahi Maxamed Daahir (Cukuse)
Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.