Madaxwayne Silaanyo Oo Ka Hadlay Fursadaha Dublomaasiyadeed Ee S omaliland Uga Banaan Madax-banaanida Koonfura Suudaan iyo Nuxurka Kulan Uu Markab Dagaal Dushii Kula Yeeshay Saraakiil Ingiriisa



Berbera (TNN) – Madaxwaynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa ka hadlay fursadaha dublomaasiyadeed ee Somaliland uga banaan madax-banaanida dalka cusub ee Koonfurta Su udaan.

Md Axmed Maxamed Siilaanyo waxa uu sheegay inay Somaliland sharaf u tahay inay ka qayb-gasho mun aasibada loogu wanqalayo madax-banaanida koonfurta Suudaan, oo ay ka qayb-galayaan inta badan Ma daxwaynayaasha Afrika.

Md Axmed Siilaanyo oo warbaahinta u waramay ka hor intaanu ka dhoofin madaarka Berbera ayaa waxa uu hadalkiisa ku bilaabay “Waxaanu ka qeyb galaynaa xaflada dabaal dega xornimada shacbiga koofurta Suudaan oo qaatay madax banaanidoodii oo loo dabaal degayo maalinta Sabtida ee 9-ka Bishan. Sharaf weyn ayay noo tahay in madaxda badan ee halkaasi lagu marti qaaday aanu ka mid noqono sharaf iyo m agac weyn ayaanay Somaliland u tahay Koonfurta Suudaan waa meel xornimada ay qaadanaysaa macno weyn u leedahay Somaliland.”

Madaxwaynaha Somaliland waxa kale oo uu soo qaaday “Somaliland waa dal doonaya inay dunidu ictiraa fto dedaalkeena iyo halganka aynu ugu jirno in la ina ictiraafo waxa waxyaabihii la iskaga keen hortaagi jiray ka mid ahayd oo la odhan jiray Afrika inay kala goo go’aan lama doonayo, laakiin maanta waxa muu qatay in madax banaanida ay koonfurta Suudaan qaadatay ay tahay albaab cusub oo furmay Somaliland ahaana macno weyn ayay inoo leedahay.”ayuu yidhi waxaanu intaa ku daray “Koonfurta Suudaan taar iikho badan ayaa inaga dhaxeeyay markii aynu halganka ku jirnay John Grand dadkii aanu is arki jirnay ayuu ka mid ahaa waana dad aan is leeyahay xidhiidh badan.”

Madaxweyne Siilaanyo ayaa ka hor intii aanu diyaarad khaas ah ka raacin halkaa wuxuu kulan saacado qaatay saraakiil Ingiriis ah oo ka tirsan ciidamada Badda ee Britain kula yeeshay markab dushiisa magaa lada Berbera, halkaas oo ay madaxweynaha iyo Saraakiisha Britain ku wada qadeeyeen. Kadib wada had alo qaatay saacado. Madaxweynaha Somaliland waxa uu sheegay in kulankaasi ay ka wada hadleen sar aakiil Ingiriis ah, isla markaana ay ka wada hadleen sidii kor loogu sii qaadi lahaa xidhiidhka iyo iskaashiga ka dhaxeeya Somaliland iyo Ingiriiska.

“Markabkani wuxuu ahaa Maraakiibta waaweyn ee dagaalka ee dalka Ingiriiska, waxaanu saraakiil ka tir san ciidamada Ingiriiska kula kulanay markabkaasi oo dekada ku soo xidhay dushiisa halkaasi oo aanu ku lan balaadhan ku yeelanay waxay arrintaasi muujinaysaa calaamado badan waxay ina tusaysaa in dalk eenu yahay mid la aaminsan yahay oo nabad .


gelyadiisa iyo horumarintiisa la inagala shaqayno,”ayuu yidhi Madaxweynaha Somaliland Madaxweyne Si ilaanyo oo ay kulankaa ku weheliyeen masuuliyiin ka tirsan xukuumadiisa, wuxuu tilmaamay inay ka wada hadleen saraakiishaasi sidii ay isu kaashan lahaayeen Somaliland iyo Ingiriisku waxaanu uga mahad celi yay saraakiishii ku soo dhaweeyay markabkaasi dushiisa halkaasna ay ku wada qadeeyeen.



Source: Berberanews