Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Daahir Rayaale Kaahin, waxa uu gudoomiye cusub u magacaabay gobolka Hawd ee Jamhuuriyada Somaliland
Madaxweynuhu, isaga oo
tix-raacaya qodobka 90-aad iyo qodobka 110-aad ee dastuurka JSL ,
isla markaana tix gelinaya ahmiyada weyn ee gobolka Hawd u leeyahay
dhismaha Qaranka , waxa uu u magacaabay in uu gudoomiye ka
noqdogobolkaasi Mudane Cali Cawil Cabdi oo hore u ahaan jiray
Gudoomiye ku xigeenkii Gobolka Maroodi Jeex , iyada oo Madaxweynuhu
uu tix gelin gaar ah siiyay kartida , aqoonta iyo hufnaanta shaqo ee
Mudane Cali CawilCabdi uu leeyahay.
|