Madaxweynaha iyo Wefdigiisii oo Si Weyn Loogu Soo Dha weeyay MagaaladdaParis ee Dalka Faransiiska
 


Madaxweynaha JSL, Mudane, Daahir Rayaale Kaahin iyo wefdigiisii oo beryahanba hawlo  s haqo ku joogay Magaaladda Dubia ee dalka ImaaraadkaCarabta, ayaa shalay ka dhoofay Madaarka Magaaladaasi.

Madaxweynaha iyo wefdigiisa oo gaadhay abaaro 1:30 duhurnimo ee shalay Madaarka  Ma gaaladda Paris, waxa halkaasi si weyn ugu soo dhaweeyay saraakiil ka socday Wasaarad da Arrimaha Dibada ee dalka Faransiiska,iyadoo halkaasi Protocol loogu tallo galay ka hoos qaaday diyaaradda,waxana loo galbiyay qolka nasashada ee VIP-da.

Waxa kale oo Madaxweynaha ku soo dhaweeyay Madaarka Wakiilka Somaliland u fadhiya Magaaladda Paris, Xoghayaha Guud ee Xisbiga UDUB, Mudane, JaamacYaasiin iyo xubno kale.

Madaxweynaha waxa la dajiyay huteel loogu tallo galay, Madaxweynaha iyo Wefdigiisu wa xa ay Magaaladda Paris maalinta shaqaalaha adduunka, iyagoo wixii ka danbeeya  Axadd ana guddo geli doona hawlahooda shaqo ee ay u yimaadeen dalka Faransiiska.

Dhinaca kale, Wasiirka Wasaaradda Isgaadhsiinta, Mudane, Cali Maxamuud Axmed , ayaa isagu jooga magaaladda Dubai, isagoo hawlo caafimaad u joogaoo isku dawaynaya, maalm aha soo socdana ka daba tegi doona Wefdiga
Madaxweynaha.

Wefdiga Madaxweynaha waxa kale oo ka mid ah, Marwada koowaad ee Madaxweynaha, M arwo Huda Barkhad Aadan, Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda, Mudane, Cabdillaahi Maxamed Ducaale, Maareeyaha Dekedda Berbera,Mudane, Cali Cumar Maxamed iyo  Xogh ayaha Gaarka ah ee Madaxweynaha,Mudane, Axmed Maxamed Ciise.
 

 


Xoghaynta madaxweynaha
Axmed Maxamed Ciise