Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti ,mudane. Ismaaciil Cumar Geelle , oo Dhagax Dhigay Jid laami ah oo isku xidhaaya Somaliland iyo Jabuuti

 

 


Wadadan oo isku xidhaysa xaafada Bal-bala ee Jabuuti illaa magaalada Lawyo-cadde ee gobolka Salal, waxa ku baxaya lacag lagu qadaray 1 Bilyan iyo 700 oo faranka Jabuuti ah.


Jabuuti (TNN)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Md. Ismaaciil Cumar Geelle, ayaa sha lay dhagax-dhigay dhismaha waddo laami ah oo isku xidhaysa Somaliland iyo Jabuuti, taasi oo lacagta ku baxaysa ay bixinayso dawladda Jabuuti.

Wadadan oo isku xidhaysa xaafada Bal-bala ee Jabuuti illaa magaalada Lawyo-cadde ee go bolka Salal, waxa ku baxaya lacag lagu qadaray 1 Bilyan iyo 700 oo faranka Jabuuti ah.

Madaxweynaha Jabuuti Md. Ismaaciil Cumar Geelle oo ka hadlay xafladii dhagax-dhiga jidk an, ayaa ka waramay ahmiyada wadadan cusub ee laamiga ahi u leedahay isku gudubka Somaliland iyo Jabuuti. Madaxweyne Geelle waxa uu intaasi ku daray in lacagta ku baxaysa wadadan ay dawladiisu soo ammaahanayso si ay u hirgasho. Madaxweynaha Jabuuti waxa uu sheegay in wadadani ay wax ka tarayso Baayac-mushtarka iyo dalxiiska labada dal ee Somaliland iyo Jabuuti.

Madaxweynuhu wuxuu sheegay in hirgelinta wadadani ay meesha ka saari doonto dhibaat ooyinkii bulshada ka haysata isku gudubka labadan dal ee jaarka ah.

Tallaabadani waxay qeyb ka tahay iskaashiga iyo cilaaqaadka wadammadda Somaliland iyo Jabuuti oo labadii sanadood ee xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo Jirtay si weyn u soo xo ogaysanayay.

 

Timacade News Desk