Madaxweynaha la doortay oo Waraysigii u horreeyay bixiyay ilaa intii Xilka Madaxtinimada loo doortay

 


Hargeysa (TNN)-Madaxweynaha cusub ee Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud  (Siilaa nyo), ayaa tan iyo markii uu ku guulaystay doorashadii Madaxtooyada ee dalka ka dhacday 26-kii June markii u horreysay tafaasiil ka bixiyey aragtida maamulkiisa cusub ee ku wajahan ka midho-dhalinta himilooyinka siyaasadda arrimaha dibadda ee Somaliland ku taamaysay 20-kii sannadood ee ay madaxbannaanida haysatay.

Madaxweyne Siilaanyo oo aan weli si rasmi ah ula wareegin xafiiska Madaxtooyada ee  Somalil and looga taliyo, ayaa waraysi khaas ah oo uu habbeeno hore gurigiisa magaalada Hargeysa kula yeeshay weriyaha caanka ah ee wakaaladda wararka Reuters u jooga Somaliland  Xuse en Cali Nuur, waxa uu si qoto-dheer ugaga hadlay arrimo kala duwan oo ku saabsan mowqifka xukuumaddiisa cusub ee la xidhiidha horumarinta dhaqaalaha dalka, xidhiidhka dibadda, gaar ahaan waddamada deriska, la-dagaallanka argagixisada, maalgashiga dalka iyo qodobo kale oo muhiim ah.

Waraysigan oo ah kii ugu horreeyey oo Madaxweynaha la doortay si faahfaahsan ugaga  war ramay arrimo dhinacyo kala duwan taabanaya oo ka baxsan siyaasadda gudaha Somaliland tan iyo intii xisbigiisu ku guulaystay doorashadii Madaxtooyada, waxa uu isagoo  dhammaysti ran u dhacay sidan:

Reuters: Madaxweyne 20 sanno ka hor magaalada Burco waxa lagaga dhawaaqay inay  Soma liland gooni isu taagto; xilligaas wax baad haabka ku haysay inay 20 sanno kadib Somaliland noqon doonto, sidii aad filaysay ma noqotay mise may noqon?

Madaxweyne Siilaanyo: Somaliland halgan dheer oo naf, maal iyo wax walba loo huray ayey soo martay si ay u xorowdo oo madaxbannaanideedii iyo xorriyaddeedii 1960-kii qaadatay ula soo noqoto, tii Ilaahay wuu ku guuleeyey. Dabcan, himiladeedu waxay ahayd oo aynu ku  rajo waynayn in aynu waqti horeba helno ictiraaf, in aynu horumar badan helno oo aynu  ummad aha dunida hiigsano oo heerarka hore nolosha iyo horumarka bulshadeennu ka galo.

Runta markaynu ka hadalno ictiraafkii weli maynu gaadhin oo inoomuu hirgelin, horumar  bad an oo xagga dhaqaalaha ee aynu u baahnayna maynu gaadhin, laakiin Al-xamdullilaahi waxa inoo hirgashay. Waxaynu ka tilmaamannahay Geeska Afrika oo dunidu innagu hambalyeysay, waxaynu tilmaan ku yeelanay nabadgelyo, xasillooni iyo degnaansho, maantana waxaynu  ca alamka u caddaynay in aynu nahay dal tashan kara oo dimuqraadiyad buuxd haysta oo dadkii ajaanibka ahaa ee inoo yimi iyo dadweynaheennii oo aad u danaynayey ay si wanaagsan oo uga soo baxeen doorashadii ayaa inoo hirgashay, Ilaahay ayeynu uga mahadnaqaynaa, umm addana waan ku bogaadinayaa. Waxa kale oo aan ka mahadnaqayaa doorashada ay i doorte en, Ilaahayna waxaan ka baryayaa in xilkaa ummaddu i saartay inuu ila qabto oo wixii shaca bka iyo dalku u baahnaa aan u fuliyo ay ii suurtogalaan.

Reuters: Madaxweyne; si himilooyinkii Somaliland lahayd 20 sanno ka hor loo gaadho  tallaabo oyinka ugu horreeya ee gudaha iyo dibadda aad ka qaban doontaa maxay noqon doonaan?

Madaxweyne Siilaanyo: Horta tallaabooyinkaas waxaannu in badan ku caddaynay  barmaam ujkayagii xisbi ahaan ee dhinacyada dalka horumarka, dhaqaalaha iyo mashaariicda wax-u-qabadka, caddaaladda oo dadku u sinnaado oo ummadda caddaalad baa deeqdee la  gaadhsii yo, dhinacyada bulshada, caafimaadka, waxbarashada, waddooyinka oo aannu wax ka  qaba no, dekadaha iyo goobaha kaabayaasha dhaqaalaha ee noloshu ku socoto in aannu dhisno. Waxaas oo dhan waannu ku talo jirnaa in aanu sida ugu dhakhsaha badan u galno oo  naftay ada, dadka iyo Ilaahayba la kaashano, caalamkana wixii aannu ka heli karno ka raadsano.

Reuters: Dab baa ka huraya dalalka jaarka, gaar ahaan Soomaaliya oo welia qolooyin xagjir ah oo halkaa joogaa Somaliland way u hanjabayaan. Haddaba, dabka hurayaa si aannu inoo soo gaadhin qoladaasi siyaasadda lagula dhaqmi doonaa maxay noqonaysaa?

Madaxweyne Siilaanyo: Horta wax badani waxay ku xidhan yihiin oo aan anigu jecelahay inaan dadka reer Somaliland ku hambalyeeyo waa bulshada Somaliland . Waynu ogayn oo dhawr  je er ayaa la isku dayey in la inagu soo duulo, waana la innagu soo duulay oo waxa la qarxiyey ilaa madaxtooyadeena, xaruntii Qaramada Midoobay iyo weliba safaaradihii dalkeenma joogay baa la qarxiyey, haddana mar walba dadka reer Somaliland culimaa’udiinkiisa, waayeelkiisa, dhallinyaradiisa, axsaabtiisa iyo shacabkiisa oo dhan kuwii dawladda hayey iyo kuwii  mucaar adka ahaaba waa la isku duubnaa. Waxaan rajaynayaa Ilaahayna ka baryayaa in dadweyn u hu sidii isugu duubnaado oo uu u ilaasho maslaxadda, xasilloonida iyo deganaanshaha dalka. Waxaannu ugu baaqaynaa wixii dhibaato nagu soo wada in ay dhibaatada naga daayaan, Ilaahayna inuu naga duwo ayaanu ka baryeynaa. Waxa kale oo aannu ugu baaqaynaa dadyowga kale ee waddamada jaarka nahay iyo inta nabadda jecelba in aannu hawlahaasi ka wada shaqayno oo gacan nalaga siiyo, annaguna aannu iskaashi ka yeelano.

Reuters: Soomaaliya siyaasadda aad kula dhaqmi doontaan maxay noqonaysaa?

Madaxweyne Siilaanyo: Innagu dawlad ahaan Somaliland waa taas maanta dariiqa cad  qaad nay ee aynu la soo noqonay madaxbannaanideennii. Dadka reer Somaliland iyo dawladaheeda kala dambeeya iyo kuweeda mustaqbalka toona xumaan iyo colaad uma hayaan walaalahooda reer Soomaaliya, dhibaatooyinka badan ee haystana Ilaahay waxaannu uga baryeynaa inuu ka dulqaado. Mowqifka caalamku ugu dadaalayo in xasillooni iyo deganaansho lagu soo celiyo ayaanu annaguna ka mid nahay, weliba uga sii dhawnahay in wixii aannu la qaban karno la qabano insha Allaahu, laakiin marnaba mid baan suurtogalayn, in madaxbannaanida  Somalila nd aannu cid u dabafadhiisano ama cid u sadqayno oo gacanta u gelino waa mid aan  suurto galayn.

Reuters: Adiga oo ah dhaqaalayahan, Madaxweynena ah maanta waxa dhaqaalaha dunidu ku kabmaa in wax la iswaydaarsado, shayga ugu muhiimsan ee dhaqaalaha dalka soo gala la degayna waa qaadka, ma la hayaa barmaamuj kale oo wax lagaga beddeli karo dalka Itoobiya ee qaadka laga keeno?

Madaxweyne Siilaanyo:
Waa runtaa ee qaadku waa aafo ina haysata taa shaki kuma jiro, waa wax bulshadeena aad u galay, taariikhda intii aan garanayo ilaa intii wixii la odhan jiray  Soom aaliya ee Somaliland-na ku jirtay waxaan garanayaa in dhawr jeer dawladdii millatariga ee Siyaad Barre is-tidhi la dagaalan, kadibna wax suurtagal ah noqon wayday joojintiisii oo ay gaadhay in ilaa ciidammadii qaranka iyo tignikadoodii loo adeegsado. Markaa wax badani horta waxay ku xidhan yihiin bulshada oo la wacyegliyo, in dhallinyarada laga duwo  dhaqam ada qaarkood, in siyaasad munaasib ah oo lagu joojiyo ama looga baydhi lahaa jaadka in la helo waa laga maarmaan, laakiin iska joojin uun malaha maaha wax sidaa u fudud.

Dhinaca dhaqaalaha waxa lagu beddelayo qaadka, horta xidhiidh dhaqaale wuu ina  dhexmar aa Itoobiya oo xoolaha aynu Berbera ka dhoofinaa kama wada yimaaddaan Somaliland  gudah eeda ee waxay ka yimaaddaan ilaa Itoobiya, waxaanuna doonaynaa in dekedda Berbera noqoto mid ay isticmaalaan oo innaguna uga faa’iidi lahayn, iyaguna uga faa’iidi lahaayeen, iyadoo waddooyin ina xidhiidhiya iyo ganacsiga oo aynu sii xoojiyo aannu ka shaqayno. Waxa kaloo dalkeennu leeyahay milix, kalluun iyo waxyaabo badan oo kale, kuwaasna waynu  horum arinaynaa insha Allaahu sidii Itoobiya loogu iib gayn lahaa.

Reuters: Waddanka waxa ku sugan qaxooti fara badan oo iska soo galay, kuwaasoo aan diiwaangashayn oo muddo kadib waxay noqon karaan muwaadiniin, siyaasadda dadkaasi aad ugu talogasheen maxay tahay?

Madaxweyne Siilaanyo:
Horta xuduudka dalku wuu iska furan yahay, waayo xuduud aad u ballaadhan baynu leenahay. Dadka qaxootiga ah; tusaale ahaan; kuwa Soomaaliya ka yimaad waa dad qaxooti ah oo dhaqankeenna iyo siyaasadaheenna ilaa dawladihii kala dadambeeyey kumay jirin in qof Soomaali ah laga joojiyo soo gelitaanka, xukunka iyo xuquuqda uu leeyahay waa gooni, laakiin soo gelitaanka nabadgelyo darteed in loo helo mooyee ka siyaasad ahaan qof ajaanib ah lagama dhigayn, dad baayac-mushtar ah ayaa yimaada, qaar qaxoonti ah ayaa yimaad.

Kuwa aan Soomaalida ahayn, waynu ognahay oo dad badan baa yimaada oo intooda badani Itoobiya ka timaad, kuwaana siyaasadaha ku habboon waynu dersi doonaa insha Allaahu.

Reuters: Waxa jir shirkado badan oo shisheeye ah oo xeerkii ay dalka kaga shaqayn  lahaay een aan la ansixin, shirkadahaas iyaga ah maxaad ka leedihiin arrintooda?

Madaxweyne Siilaanyo:
Horta waynu dhiirrigelinaynaa in dalkeena la maalgashado oo la  yima ado oo la aamino hadday dalxiis tahay iyo haddii ay maalgashi tahayba aad baynu u  dhiiri  gel inaynaa oo innaga ayaa u baahan, laakiin haddana waxa loo baahan yahay in qaab iyo nidaam sharci ah loo sameeyo oo la raaco, meeshii nidaamku ka maqan yahay nidaam baa loo  sama yn, kaas ayuun baa la odhan doonaa raaca oo lagu fulin doonaa.

Reuters: Waxa jira dad badan oo Somaliland u dhashay oo haddana jiritaankeeda ka soo  horj eeda, xeerarna hore uga yaalleen oo aan wax tallaabo ah laga qaadin, dadkaas xeerkii u yaal lay ma lagu qaadi doonaa?

Madaxweyne Siilaanyo:
Dadka Somaliland u dhashay ee haddana ka soo horjeeda, horta  fikra dooda ayey qabaan, laakiin wixii olole iyo ficillo ka samaynaya ee Somaliland colaadeedda iyo la-dagaallankeeda wada wixii sharciyo u yaal ee dalku dhigtay ayuun baa la marin doonaa.
 

 


Source: Jamhuuriya