Madaxweynaha oo Agaasime guud u Magacaabay Wasaaradda Kalluumaysiga


Hargeysa (Longlivesomaliland News)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda  So maliland, Mudane, Daahir Rayaale Kaahin, waxa uu maanta Magacaabay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Horumarinta  Xeeba ha ee Somaliland, ka dib markii uu Geeriyooday Agaasimihii Guud ee Hore, Marxuum Axmed Hurrre Jaamac.


Madaxweynuhu, isagoo tix-raacaya Qodobka 90-aad, isla markaana tix g e liyay Ahmiyada weyn ee ay Wasaaradda Kalluumaysiga iyo  Horumari nta Xeebuhu u leedahay dalka iyo dhismaha Qaranka, waxa uu u  magac aabay, Mudane, Xasan Maxamed Jaamac in uu a haado Agaasimaha  Gu ud ee Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Horumarinta Xeebaha JSL
 

 


Alla Mahad leh
 

 


Siciid Cadaani Mooge
Af-hayeenka Madaxtooyada JSL