Madaxweynaha oo Casho Sharaf ugu Sameeyay Madax tooyada Safiirka France u Fadhiya Jabuuti

 


Hargeysa (TNN)- War-saxaafadeed uu soo saaray Afhayeenka Madaxtooyada, Siciid  Cada ani Mooge, ayaa waxa uu ku yidhi ‘’Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Daahir Rayaale Kaahin, waxa uu caawa casho sharaf ugu sameeyay qasriga Madaxtooyada wefdigii ka socday Dawladda Faransiiska oo uu hogaaminayay, Danjiraha u fadhiya  Faransi ska Jamhuuriyadda Jabuuti Mr. Dominique Decherf.

Wefdigaasi oo muddo dhawr maalmood ah booqasho ku joogay Jamhuuriyadda Somaliland, waxa uu ugu horeyntii Madaxweynuhu, si weyn ugu mahad naqay socdaalka ay ku  yimaa deen Somaliland iyo sida ay diyaarka ugu yihiin in ay indhahooda ku arkaan waxyaabaha ay qabsatay Somaliland oo ay ugu horeyso Nabad gelyada iyo Xasiloonida dalka ka jirta.

Madaxweynuh, isagoo ka hadlaya geedi socodka dimuqraadiyada ay Somaliland ku caano maashay waxa uu yidhi ‘’Waxa aanu diyaar u nahay in ay dalka ka qabsoonto doorasho xor oo xalaal ah, sidii kuwii hore ee dalkayaga ka dhacay. Waxaanan ku kalsoonahay in  shac biga Somaliland ay si nabad gelyo ah codkooda u dhiiban doonaan marka lagu dhawaaqo wakhtiga doorashada’’.

Mr. Dominique Decherf, Danjiraha Dawlada Faransiiska, oo isna si kooban uga hadlay casho sharaftii lagu soo dhaweeyay isaga iyo wefdigiisaba, waxa marka hore uu ugu mahad  na qay soo dhawaynta fiican ee Xukuumada iyo Shacbiga Somaliland ay ku soo dhaweeyeen intii ay dalka joogeen, isla markaana waxa uu sheegay in socdaalkiisa ujeedadiisu ay  tayh ay in ay indhahooda ku arkaan una kuur galaan xaaladda Somaliland, gaar ahaan sida uu dalku ugu diyaar garoobayo in ay si nabad gelyo ugu qabsoonto doorashooyinka ku soo food leh.

Waxa kale oo uu intaa raaciyay in Dawlada Faransiisku ay diyaar u tahay in shacbiga  Som aliland ay ka caawiso dhinacyada Horumarka oo ay ugu horeyso dhinaca Waxbarashada iyo sidii dhalinyarada loogu fududayn lahaa Waxbarasho bilaash ah oo loo diro  Jaamacad aha dalka Faransiiska.

Safiirka Dawlada Faransiiska ee Jabuuti iyo Wefdigiisu intii ay joogeen Somaliland waxa ay socdaal ku kala bixiyeen, Magaalada Boorame, gaar ahaan Jaamacadda Camuud iyo  dhakh tarka cusub ee Al-xayaat ee laga dhisayo Magaalada Boorame.

Wefdigu waxa kale oo ay kulamo kala duwan la yeesheen Guddida Doorashooyinka  Qaran ka, Saddexda Xisbi Qaran iyo Wasiiro ka tirsan Xukuumadda Somaliland.

Kulankaasi casho sharafta ah waxa kale oo ka qayb galay Wasiirka Arrimaha Dibada, Was iiru-dawlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda , Wakiilka Somaliland u fadhiya dalka  Farans iiska iyo Wakiil ku xigeenka Somaliland u fadhiya dalka Sweden’’.


Afhayeenka Madaxtooyada,
Siciid Cada ani Mooge