Madaxweynaha oo Codsaday Is casilaadda R/Wasaaraha

 


Muqdisho (TNN):-Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa la sheegay inuu ka codsaday Ra段isul Wasaaraha Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon Saacid inuu iscasilo.Warar lagu kalsoon yahay oo aanu ka helnay ilo kala duwan oo ay ku jirana ilo wareedyo ka tirsan dawladda Soomaaliya balse magacooda qariyey maadaama aan loo oggolayn inay arrintan ka hadlaan ayaa idaacadda VOA u sheegay in madaxtooyada Soomaaliya ay dalabkaasi u ban dhi gtay Ra段isul Wasaare Saacid, oo wararku sheegayaa inuusan aqbalin markiiba.

Ilaa hadda ma cadda tallaabada xigta ee uu qaadi doono Ra段isul Wasaaraha. Sidoo kale warar lagu kalsoon yahay ayaa idaacadda VOA u sharxey in Ra段isul Wasaare Saacid uu kulamo la lee yahay la-taliyayaashiisa.

Ilaa hadda ma cadda sababaha ka dambeeya in madaxweynuhu uu ka dalbado Ra段isul Wasaar aha inuu is casilo. Laakiin wararka qaarkood oo aanu ka helnay ilo lagu kalsoon yahay ayaa s heegay in Ra段isul Wasaaruhu uu waayey kalsoonida dhowr ka tirsan Golihiisa Wasiirrada; hal ka warar kalena ay sheegayaan in madaxtooyada iyo xafiiska ra段isul wasaaruhu ay isku maa n-dhaafeen qaabka ay u dhacayso isku shaandhayn uu ra段isul wasaaruhu sheegay in lagu sa mayn doono golaha wasiirrada.

VOA waxay la xidhiidhay Xafiiska Madaxweynaha iyo kan Ra段isul Wasaaraha, labaduba wey ka gaabsadeen inay ka hadlaan wararkan oo ilo kala duwanna ay VOA u qireen.
 

Source: VOA