Madaxweynaha oo Dhambaal Hambalyo ah u Diray Madaxweynaha Cusub ee Dalka South Africa Mudane Jacob Zuma

 

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Daahir Rayaale Kaahin ayaa maanta waxa uu hambalyo diiran u diray hogaanka Xisbiga ANC Mudane Jacob Zuma guushii uu ka soo hooyay doorashooyinkii ka dhacay dalka South Africa.

Madaxweynuhu waxa uu dhambaalkiisa ku yidhi “Aniga oo ku hadlaya Magaca Xukuumadayda, Shacbiga Somaliland, waxa aanu kuu soo diraynaa adiga iyo xisbigaagaba hambalyo diiran oo aan la soo koobi karayn, guusha taariikhiga ahayd ee aad ka soo hoysay dalka koonfur Afrika doorashadii aad u gashay Madaxtinimada dalka South Afrika.

Waa guul aad u soo hoyseen dalkiina South Africa iyo dhamaan Qaarada Afrika”

Madaxweynuhu isaga oo hadalkiisa sii wata waxa uu yidhi “Dadkayga iyo hogaankooduba waxay si toos ah ugala socdeen Tv-yada iyo Idaacadaha shaqadaadii adkayd iyo abaabulkii aad u soo gashay guushan maanta aad gaadhay.


Aad ayaan ugu hanweynahay hogaankaaga qaaliga ah, waxaanan u rajaynaynaa in xidhiidhka Somaliland iyo South Africa uu sii horumari doono, waxaanan kuu rajaynaynaa nasiib wanaagsan iyo guul adiga iyo dhamaan dadweynaha reer South Africa”
Alla Mahad leh
 

 


Siciid Cadaani Mooge
Af-hayeenka Madaxtooyada JSL