Madaxweynaha oo la Kulmay Wefdigii ka socday Jamhuuriydda Jabuuti

 


Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Daahir Rayaale Kaahin ayaamaanta xafiiskiisa ku qaabilay wefdi balaadhan oo uu hogaaminayay Wasiirka Maaliyada Jamhuuriyadda Jabuuti Mudane Cali Faarax Casoowe.


Kulankan dhex maray Madaxweynaha iyo Wefdiga reer Jabuuti , waxa ay ka  wada hadleen xoojinta xidhiidhka labada dal ee walaalaha ah iyo sidii laysaga kaashan lahaa dhinacyada Nabad gelyada , Dhaqaalaha , waxana  Wasiirka Maaliyada ee Jabuuti uu Madaxweynaha iyo shacbiga reer  Somaliland gaadhsiiyay dhambaal taageero iyo tacsi ah oo uu ka siday Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle, oo uu ka tacsiyadaynayay dhacdadii waxshinimada ee arga gaxisadu ay ka fulisay caasimada Hargeysa.


Ugu danbayntii, kulankaasi waxa uu ku dhamaaday Jawi fiican oo is afgarad.


Kulankaasi waxa kale oo goob joog ka ahaa Wasiirada Maaliyada Mudane Xuseen Cali Ducaale, Arrimaha Gudaha Mudane Cabdillaahi Ismaaciil Cali “Cirro”, Duulista iyo Hawada Mudane Cali Waran cadde iyo Maayarka Caasimada Hargeysa Eng Xuseen Maxamuud Jiciir.

 



Alla Mahad leh


 



Siciid Cadaani Mooge
Af-hayeenka Madaxtooyada,
Ahna La Taliyaha Madaxweynaha ee Warbaahinta