Madaxweynaha oo Tacsi u diray Faarax Shuun oo ka mid ahaa aasaasayaashii Jaamacada Camuud oo geeriyooday

 

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Daahir Rayaale Kaahin, waxa uu maanta dhambaal tacsi ah u diray Qoyskii, Qaraabadii iyo dhamaan cidii uu ka baxay Marxuum Prof. Faarax Shuun oo maanta ku geeriyooday Magaalada Boorame.
Marxuumku waxa uu ka mid ahaa Aasaasayaashii Jaamacada Camuud, waxana Madaxweynuhu ilaahay uga baryay inuu janadii fardawsa ka waraabiyo, Qoyskii iyo qaraabadii uu ka baxayna samir iyo iimaan ka siiyo.


Alla Mahad leh

 


Siciid Cadaani Mooge
Af-hayeenka Madaxtooyada Somaliland