Madaxweynaha oo Xafiiskiisa ku Qaabilay Wefdi Balaadhan
oo ka socda Dalka Yeman



Hargeysa Sabti,20 March 2010 (TNN)- Warsaxaafadeed uu soo saaray Afhayeenka Madaxtoyada JSL, Mudane, Siciid Cadaani Mooge, ayaa waxa uu u qornaa sida tan “Madaxweynaha  Jamhuuriyad da Somaliland, Mudane Daahir Rayaale Kaahin, Waxaa uu Maanta Xafiiskiisa kulan kula yeeshay Wafti ka socda jamhuuriyadda Yemen.


Waftigaasi oo muddo dhoor cisho ah booqosho ku joogay Jamhuuriyadda Somaliland waxay  Madax weynaha u sheegeen in ay aad ugu faraxsan yihiin sidii fiicnayd ee loogu soo dhaweeyay mudadii koobnayd ee ay dalka joogeen.

Madaxweynuhu waxa uu Waftiga ka socda Dawlada yemen uga waramay xidhiidhkii soo jiraynka ahaa ee ka dhexeeyay labada dal Somaliland iyo Yemen, kaas oo ku qotomay xidhiidh ganacsi iyo iskaashi muddo dheer oo taariikhiya u dhaxeeyey labada shacbi.

Mudane Daahir Rayaale Kaahin, isagoo arintaasi sii faah-faahinayaa waxa uu xussay kulankii dhex maray isaga iyo Madaxweynaha Dalka yaman Cali Cabdale Saalax, Sanadkii 2007-dii taas oo ay ka wadda hadleen sidii loo soo celinlahaa xidhiidhkii taariikhda lahaa ee labada wadan Somaliland iyo Yemen, gaar ahaan Ganacsigii wax ku oolka ahaa ee labada dal ka dhexeeyay.

Madaxweynuhu waxa kale oo carabaabay in somaliland ay ku noolaayeen dad farabadan oo reer Yemen ah, sidoo kalena in dad iyana reer somaliland ahi ay daganaan jireen dalka Yemen sidaa awgeedna ay tahay mid marag madoon ah Xidhiidhkii iskaashiga taariikhiga ahaa ee u dhexeeyay labada shacbi kaas oo u baahan in boodhka laga tumo lana sii xoojiyo.

Waftigaasi ka socday dalka yemen oo uu hogaaminaayo Mudane Maxamed Rawiishaani, waxa ay sheegeen in ay ka furanayaan hada Magalada Hargeysa Caasimadda Somaliland Xafiiska Hay’adda dhaqaalaha ee Dalka Yemen kaas oo si dhekhso ah u hawl geli doonaan.

Waftigu intii ay marayeen Somaliland waxay kulamo kala duwan la yeesheen dhawr Wasiir oo ka tirsan Somaliland oo ay ka mid yihiin Wasiirka Ganacsiga, Arrimaha Gudaha, Hidaha iyo Dhaqanka , iyo Hay’addo kale oo ka tirsan Somaliland”.