Madaxweynaha oo Xafiiskiisa Kulan Kula Yeeshay Wefdi Balaadhan oo ka socda Dalka Shiinaha
 


Hargeysa Sabti, 06 March 2010 (TNN)- Warsaxaafadeed uu soo saaray afhayeenka  Mad axtooyada Somaliland, Mudane Siciid Cadaani Mooge, ayaa waxa uu u qornaa sida tan  “M adaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Daahir Rayaale Kaahin,Waxa uu  maa nta Qasriga Madaxtooyadda kulan kulayeeshay Wafti balaadhan oo ka socda Dalka  Shiin aha.

Waftigaasi oo isugu jira Ganacsato iyo Madax ka tirsan Shirkadaha Madaxa banaan ee  Da lka Shiinaha oo Hogaaminayo “Mr. Ji shiaw shie oo ah Maalqabeen Madax u ah Shirkadaha Waaweyn ee Caanka ku ah Dalka Shiinaha, dhinaca Gacansiga iyo Farsamada Gacanta, Waxa ay booqasho gaaban ku yimaadeen Somaliland.


Madaxweynaha Mudane Daahir Rayaale Kaahin, oo Hadal kooban waftiga u jeediyey  wa xu marka hore uu ugu Mahadnaqay waftigaasi socdaalka ay ku yimaadeen Somaliland oo ah wadankii 7aad ee Africa ee ay waftigu socdaal ku kala bixiyaan iyagoo soo maray  Sa af aad u dheer.


Madaxweynuhu waxa uu waftiga u sheegay in Shacbiga Somaliland ay marwalba  Xasuus an yihiin mashruuca Biyaha ay wali ka cabto Caasimada Somaliland ee Hargeysa oo ah  M ashruuc Dhawlada Shiinuhu ay ku Caawisay Reer Somaliland


Madaxweynuhu waxa kale oo uu u sheegay waftiga Shiinaha in Somaliland ay tahay  wad an Dihin marka ay noqoto dhinaca khayraadka Macdanta una baahan Maalgashi  Wadama da Shisheeyaha ah.

Madaxweynuhu isaga oo arintaasi sii faah-faahinaya waxa uu yidhi “waxaan ka  warqabn aa Shiinuhu in ay yihiin Wadamada Horu u maray ee Danaynaya in ay ka kaalmeeyaan  D alalka Africa arimo farabadan oo ku saabsan Dhinaca Horumarka , sidaa awgeedna waxa uu ka Codsaday waftigaasi Shiinaha in ay ka hawl galaan shirkadaha kalena ay u  bandh igaan khayraadka Somaliland ay leedahay oo ay ka mid yihiin dhinaca macdanta Dhuxul dhagaxda Buuraha u dhaw Magalada Berbera oo lagu qadaray Malaayiin tan”.


Madaxweynuhu waxa kale oo uu carabka ku dhuftay in ganacsato badani oo Reer  Somalil and ahi ay la macamilaan alaabtoodana ka keensadaan Dalka Shiinaha waxana uu  sheeg ay in labada geesoodba u sahli doonto hadii Ganacsatadda Shiinuhu ay Dakada Berbera ka hirgeliyaan Mandaqad xor ah dhinaca Ganaciga ama waxa loo yaqaano Free Zone.


Mr. Ji Shiaw Shie, oo isna kulan kaa Madaxweynuhu waftigiisa la yeeshay ka hadlay, waxa uu Sheegay in ay aad ugu hanwayn yihiin wax yaabaha Somaliland ay qabsatay iyada oo aan haysan Aqoonsi Caalamiya, kuwaas oo ay ugu wayn yihiin Nabada, Xasiiloonidda iyo Geedi Socodka Dimurqaadiyadda. Mr. Ji Shiaw shie, waxa uu balan qaaday in Shirkadaha Madaxa Banaan ee Shiinaha u u bandhigi doono waxyabaha ay ku soo arkeen Somaliland iyo Fursadaha Ganacsi ee ka jiraba Somaliland.


Waftigaasi inta inta ay joogaan Somaliland waxay kulamo kala duwan la yeelan doonaan Wasiiro badan oo ay ka mid yihiin Wasiirka Arrimaha Gudaha, Wasiirka Duulista iyo  Hawa dda, Wasiirka Macdanta iyo Biyaha iyo Wasiiro kaleba.



Kulankaa Waftiga Shiinuhu saaka Madaxweydnaha la yeesheen waxa kale oo goob joog ka ahaa Wasiirka Duulista iyo Hawadda Mudane Cali Warancade, Meeyarka Magalada  Har geysa Eng Husein Mahamuud Jiciir iyo Wakiilka Somaliland ee Dalka Shiinaha Mudane Ahmed Cigaal”.





Afhayeenka Madaxtooyada Somaliland
Mudane Siciid Cadaani Mooge