Madaxweynaha oo Xubintii Cusbayd ee Xisbiga UCID u Gudbiyay Shirgudoonka Golaha Wakiilada

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Daahir  Raya ale Kaahin ayaa maanta u gudbiyay Shirgudoonka Golaha  Wakiil ada xubintii cusbayd ee ay xisbiga UCID u soo xuleen Komiishanka Doorashooyinka, si ay u ansixiyaan.

Madaxweynuhu waxa uu qoraalkaasi ku yidhi “Anigoo Tixraacaya go’aankii Golaha Wakiilada ee sumadiisu ahayd GW/KF-QC9/448/09 ee 08/07/09 ee ay Golaha Wakiiladu ku ansixiyeen Xilka ka qaadista Xubintii ka tirsanayd Komiishanka Doorashooyinka Qaranka Mudane, Axmed X. Daahir, Markaan helay qoraalka Xisbiga UCID iigu soo gudbiyeen, xubintii buuxin lahayd jagada uu banneeyay komiishanar-kaasi hore.

Waxaan halkan idiinku soo gudbinayaa xubintii ay Xisbiga UCID u soo xuleen in uu ka mid noqdo Komiishanka Doorashooyinka ee Qaranka, kaasi oo magaciisu yahay, Mudane, Mahdi Maxamed Guuleed “Khadar” oo ah nin aqoonyahan ah oo buuxinaya  shuru udihii xubinimo ee looga baahnaa ee uu dhigayey Xeerka  Door ashooyinka (Xeer N0-20/2001 ) Qodobkiisa 12aad.

Hadaba, idinkoo gudanaya Xilkiina Dastuuriga ah, waxaan si qadarin leh idiinku wargelinayaa inaad si dhakhso u soo  ansix isaan xubintan aan idiin soo gudbiyey, iyadoo wakhtigan loo baahan yahay in la dar dar geliyo u diyaar garawga hawsha doorashooyinka Madaxtooyada”.
 

 


Alla Mahad leh

Axmed Maxamed Ciise
Xog-hayaha Gaarka ah ee Madaxweynaha JSL
Ahna Ku-simaha Af-hayeenka Madaxtooyada