Madaxweynaha Siilaanyo oo soo Af-jaray Khilaafkii u dhaxeeyay Wasiirka Maaliyadda iyo Wasiirka Kalluumaysiga
 


Hargeysa (TNN) Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamud Siilaanyo ayaa soo Af-jaray  K hilaaf u dhaxeeyay Wasiiradda Maaliyadda iyo Kalluumaysiga, isagoo shalay u kala diray Digreeto uu ku cadeeyay Dhaqan gelinta Go’aamadii ay ka soo saareen Guddi ka kooban shan xubnood oo uu u  m agacaabay inay xal ka gaadhaan Khilaafkaasi oo ku dhex maray labada Wasiir ee Wasaaraddahaasi Khidmadaha ay Dekeddu ka qaado Badeecadaha laga soo dajiyo.

Gudida uu Siilaanyo magacaabay oo ka koobnaa shan wasiir oo kala ah Wasiirka Maaliyadda, Wasiirka Kalluumaysiga iyo Dekeddaha, Wasiirka Gashaandhiga, Wasiirka Ganacsiga iyo Wasiirka Duulitsa iyo H awada ayaa waxay soo saareen Go’aamo ay ka mid yihiin in Dekadduhu u Madax-banaanaadaan Khid maha ay qaadaan si waafaqsan kuwa Caalamka iyo in Wasaaradda Maaliyaddu ay ku leedahay lix  cas huurood oo kala ah:- Income Tax, Harbour Tax, Manifes Fee, Navigation Fee, Port dues, Interest Fee.

Hadaba Madaxweynaha Somaliland isagoo ka Duulaya labadaas qoddob ee ay soo go’aamiyeen ayaa waxa uu u qoray labada Dhinac iyo Maamulka Dekedda Wareegto uu ku Dhaqan galinayo arrintaasi w axaanay Wareegtadaasi u dhignayd Sidan

“Anigoo ka Duullaya Go’aankii Guddida aan u saaray  xallin ta khilaafkii u dhaxeeyay Wasaaraddda  M aaliyadda iyo Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Dekedaha, waxa an go’aamiyay in la dhaqan galiyo  Hes hiiskii ay soo gaadheen Guddidu oo ah labadan Qoddob:-

1. Dekeddaha Somaliland waxay ugu Madax-banaan yihiin khidmadaha soo gala si waafaqsan sida kuwa Caalamka
2. Wasaaradda Maaliyaddu waxay Dekedda ku yeelanaysaa:-

a). Income Tax

b) Harbour Tax

c) Manifes Fee

d) Navigation Fee

e) Port dues

f) Interest Fee.”

Wareegtadaasi ayaa soo Af-jaraysa khilaaf balaadhan oo labada Wasiir ka dhex Aloosnayd tan iyo intay Xilka la wareegeen, waxaana mudadaasi ay isdhaafsadeen qoraalo Hanjabaad ah oo ay Saxaafaddu soo Bandhigtay, taasoo wer-wer galisay dad badan oo filayay Masuuliyiinta cusub ee Xukuumaddu inaanay yeelan doonin Nidaam caynkaas oo kale ah.