TACSI MADAXWEYNE

 



Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), waxa uu tacsi u dirayaa Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, iyo Asxaabtii, uu ka baxay Marxuum Maxamed Axmed Xasan( Surwaale) oo ku geeriyooday 04/01.2014, Dalka Ethiopia gaar ah aan Adis Ababa iyada oo lagu aasay magaalada Hargeysa 05/01/2014, Marxuumka oo ka mid ahaa odayaashi ka soo qayb qaatay hawlihii dib u dhiska iyo walaalayntii beelaha wada dega Somaliland.

Madaxweynuhu waxa uu Marxuumka ALLE uga baryayaa inuu naxariistii Janno ka waraabiyo, Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, iyo Asxaabtii uu ka baxayna Samir iyo Imaan ka siiyo.

IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN
 


Axmed Saleebaan Maxamed (Dhuxul)
Af-hayeenka Madaxtooyada JSL