WAR-SAXAAFADEED

 

 

Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Silaanyo waxa uu Digree to Madaxweyne oo sumadeedu yahay JSL/M/XERM/249-2249/012014, ku magacaabay Gudoo miyeyaasha Gobolada Togdheer, Selel iyo Gudoomiye ku xigeenka gobolka Selel, sidoo kalena w axa uu xilalkii ka qaaday Gudoomiyihii hore ee gobolka Selel iyo ku xigeenkiisii, halka gudoomiyih ii hore gobolka Togdheeri uu sheegay in uu isagu iska casilay xilkii gudoomiyenimo, Madaxwey nuhuna uu buuxiyey xilkaasi.

MADAXWEYNUHU:-

Markuu Arkay: Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markuu Arkay: Qodobka 110aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markuu Tix-geliyey: Ahmiyadda ay Guddoomiyayaasha Gobolladu u leeyihiin

Qaranka;

Markuu Aqoonsaday: In baahi loo qabo buuxinta jagadan;

Markuu La Tashaday: Madaxda ay hawshani khusayso;

Markuu Arkay: in uu hanan karo, aqoon iyo kartina u leeyahay jagadan;

WUXUU GO’AANSADAY

1. In Mudane, Maxamed Muuse Diiriye, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Guddoomiya ha Gobolka Togdheer ee Jamhuuriyadda Somaliland.

2. In Mudane, Cabdi-risaaq Waaberi Rooble, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Guddoo miyaha Gobolka Selel ee Jamhuuriyadda Somaliland.

3. In Mudane, Cabdil-qaadir Aadan Yuusuf, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Guddoomi ye Ku-xigeenka Gobolka Selel ee Jamhuuriyadda Somaliland.
 


XIL-KA QAADIS

Mudaneyaal ,

Waxaan idinka mahadinayaa mudadii aad soo haysay xilka Guddoomiyaha Gobolka Selel iyo gu doomiye ku xigeenka gobolka Selel. Xilalka Qaranka ayay dabcigooda tahay in ay meerto noqo to oo kolba cid hanan karta loo dhiibo.

Sidaas darteed, waxaan gartay in aan idinka qaado xilka Guddoomiyaha Gobolka Selel ee Jamhu uriyadda Somaliland (Mudane, Cabdilaahi Faarax Maydhane Guddoomiyihii Hore ee Gobolka Se lel) iyo Guddoomiye Ku-xigeenka Gobolka Selel (Mudane, Cali Allaale Riyaale Guddoomiye Ku-xig eenkii Hore ee Gobolka Selel)

Haddaba, waxaan idinka rajaynayaa in aad si niyad sami ah ugu wareejisaan xilalka aad hayse en Mudane, Cabdirisaaq Waaberi Rooble oo aan xilkaa isaga ah u magacaabay iyo Mudane, Cab dil-qaadir Aadan Yuusuf oo aan xilkaa isaga ah u magacaabay.
 

 


ALLAA MAHAD LEH


Axmed Saleebaan Maxamed (Dhuxul)
Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.