WAR-SAXAAFADEED

 


Madaxweyne_Siilaanyo2013Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane. Axmed M axamed Silaanyo waxa uu digreeto madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/M/XERM/249-2911/012015, uu cafis ugu fidiyey laba xildhibaan oo ka tirsan Xildhibaanada Golaha Deegaanka Degmada Boorama.

Madaxweynuhu:-

Markuu Arkay: Qodobka 90aad, Xubintiisa 5aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markuu Arkay: Qodobka 149aad ee Xeerka Ciqaabta Guud;



Markuu Tixgeliyey: Codsiga Cafiska ah ee Xildhibaanada halkan ku lifaaqan.



Wuxuu Go’aamiyey

In uu cafis gaar ahaaneed u fidiyo maxaabiista Xildhibaan Xasan Muxumed Cumar iyo iyo Xildhibaan Ibraahin Axmed Liibaan oo ka tirsan Xildhibaanada Golaha Deegaanka Degmada Boorama.
 

 


ALLAA MAHAD LEH

Axmed Saleebaan Maxamed (Dhuxul)
Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.