WAR-SAXAAFADEED

 


Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed (Siilaanyo) isa ga oo ku hadlaya magaciisa iyo kan shacbiga Somaliland, waxa uu tacsi u dirayaa, Bo qortooyad a Sucuudi Arabiya, isaga oo ka tacsiyadaynaya geerida ku timid Alle ha u naxariistee, Boq or Cabdalla Bin Cabdicasiis Aala sucuud oo 23.01.2015 ku geeriyood ay dalkaasi Sucuudi ga.

Madaxweynuhu waxa uu Alle uga baryayaa inuu naxariistii janatu-fardawsa ka wara abiy o, Qoyskii, Ehelkii, Qaraabadii, iyo boqortooyada Sucuudi arabiyana samir iyo iim aan ka sii yo marxuumka.

Sidoo kale waxa uu madaxweynuhu Hambalyo u diray boqorka cusub ee la wareegay boq ortimimada Sucuudi arabiya, Amiir Salman Bin Cabdicasiis, oo dhaxal suge u ahaa boqorka geeriyooday.

Waxaanu madaxweynuhu ALLE uga baryayaa inuu xilka u fudaydiyo Amiirka, kana dhi go mid dalkiisa ku hogaamiya isku duubni iyo wada shaqayn waarta.

 

Axmed Saleebaan Dhuxul,

Afhayeenka Madaxtooyada Somaliland