Madaxweynaha Somaliland iyo waftigii uu hoggaaminayay oo goor dhawayd gaadhay Dubai iyo soo dhawayn la yaab leh oo loogu sameeyey Dubai

 



Madaxweynaha iyo waftiga uu hoggaaminayo ayaa markii ay gadheen Dubai waxa halkaas .... Daawo Sawirro Tiro Badan


Dubai (TNN)- Madaxweynaha Jamhuuryadda Somaliland Mud: Axmed Maxamed Maxamuud (Sii laanyo) iyo watigii uu hogaaminayay ayaa goor-dhaweyd gaadhay Magaaladda Dubai ee dalk a Imaaraadka Carabta.

Madaxweyne Siilaanyo iyo waftigan balaadhan ee uu hoggaaminayo, ayaa marti-qaad rasmi ah ka helay Dawladda Imaaraadka Carabta, halkaas oo ay maanta Diyaarad khaas ah oo ay d awladda Imaaraadka Carabtu u soo dirtay,ay ka qaaday Madaarka Caalamiga ah ee Berbera International Airport.

Madaxweynaha iyo waftiga uu hoggaaminayo ayaa markii ay gadheen Dubai ,waxa halkaas si balaadhan ugu soo dhaweeyay masuuliyiin sare oo ka tirsan Wasaaradda Arrimaha dibadda D alk a Imaaraadka Carabta, iyadoo waftiga loo galbiyay goobtii loo sii diyaariyay inay ku dega an.

Waxaana la filayaa inay u bilaabmaan kulanadii u qorshaysnaa, iyadoo uu casuumadan waftig a uu si weyn uga soo shaqeeyay Shiikha maal qabeenka ah ,ee Xukuma magaaladda Ganacsi ee Dubai, Shiikh Maxamed Binu Rashiid.

 

 

 



Guuleed Muxumed Ibrahim
Timacade News Desk
Hargeysa ,Somaliland