Madaxweynaha Somaliland Iyo Weftigiisii oo caawa si Meeqaam Sare ah Loogu soo dhaweeyay Jabuuti

 

 


Jabuuti (TNN)- Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo wef tigii uu hoggaaminayay ayaa caawa fiidkii si meeqaam sare loogu soo dhaweeyay dalka Jabuu ti ee aynu dariska nahay.

Weftiga Madaxweynaha oo ka degay madaarka Magaalada Jabuuti 6:15 daqiiqo, waxa halkaa si ku soo dhaweeyay Raysal wasaaraha Jabuuti Md. Dalayta Maxamed Dalayta, Wasiirka warf aafinta, dhaqanka iyo boosaha Md. Cabdi Xuseen Axmed iyo xubno kale oo ay ka mid ahaaye en Wasiirkii hore ee warfaafinta Md. Cali Cabdi Faarax.

Sidoo kale, waxa madaarka iyaguna ku soo dhaweeyay Madaxweynaha Wasiirradii Somaliland ee maalmihii la soo dhaafay ku sii sugnaa dalka Jabuuti oo ay ka mid ahaayeen Madaxtooyadd a, Kuluumaysiga, Md. Axmed Maxamed Diiriye (Nac-nac), Md. Maxamed Yuusuf Waabeeyo iyo Maareeyaha Wakaalada Biyaha Hargeysa Ibraahim Siyaad Yoonis.

Madaxweynaha Somaliland iyo weftigiisu qadar nasasho ah oo ay ku qaateen qolka nasashada ee madaarka Jabuuti waxa lagu qaaday Baabuur khaas ah oo loogu tallo galay in lagu galbiyo Madaxda sar sare ee dalkaasi booqashada ku yimaada.

Weftiga Madaxweynaha Somaliland oo khamiistii soo gaadhay dalka Itoobiya oo ay xalay u ho ydeen waxay ka soo kicitimeen maanta iyadoo ay la socdeen diyaarad khaas ah oo ay leedah ay dawlada Itoobiya.


Madaxweyne Axmed Siilaanyo oo socdaal shaqo iyo fasax ku tagay dalka Ingiriiska waxa ku weheliya booqashadooda Wasiirka Arrimaha dibada Md. Maxamed Cabdilaahi Cumar iyo Agaas imaha Guud ee wasaaradda warfaafinta iyo wacyigelinta Faysal Cali Sh. Maxamed. Weftigu wa xay kulamo kula yeelan doonaan dalka Jabuuti madaxda sar sare ee dalkaasi oo ay ka wada h adli doonaan dhamaystirka heshiisyadii iskaashi ee ay labada dawladood kala saxeexdeen kal hore iyo sidii loo sii balaadhin lahaa cilaaqaadka labada dal.


Source;Somaliland.Org