Madaxweynaha Somaliland Mudane Daahir Rayaale Kaahin iyo Wefdigii
 

Madaxweynaha Somaliland Mudane Daahir Rayaale Kaahin iyo Wefdigii balaadhnaa ee uu hogaaminayay waxa maanta ku qaabilay Aqalka Raysal Wasaaraha Dalka Ethiopia Mudane, Ato Meles Zenawi, iyadoo kulanku qaatay muddo saacad iyo dheeradaa,labada masuul waxay ka wada hadleen xaaladda
Gobolka Guud ahaan iyo ta labada dal iyo waliba dhacdooyinkii ugu dambeeyay ee ka dhacay Somaliland

Mudane Daahir Rayaale Kaahin iyo Mudane Meles Zenawi waxa kale oo ay ka wada hadleen Sidii laysaga kaashan lahaa dhinacyada , Nabad gelyada , Dhaqaalaha iyo guud ahaan xaaladda gobolka.

Raysal Wasaaraha Itoobiya iyo Madaxweyne Rayaale waxa ay is
waydaarsadeen warbixino kala duwan, iyadoo kullankaasi ku soo gabo gaboobay is afgarad buuxa

Intii ayna ka soo dhoofin Madaxweynaha iyo Wefdigiisu Jamhuuriyadda  Jabuuti waxa ay la kulmeen Senator Russ Feingold, Safiirka Maraykanka uFadhiya Nairobi Mr Michael Raneberger iyo Safiirka Maraykanka u fadhiya
Djibouti Mr James Swan, Safiirka u Fadhiya Faransiiska Jabuuti iyo hawl wadeeno ka tirsan safaarada Faransiiska ee Jabuuti.

Wefdiga Madaxweynaha oo ay ka mid ahaayeen Wasiirada Maaliyada Mudane Xuseen Cali Ducaale , Arrimaha Dibada Mudane Cabdillaahi Maxamed Ducaale, La Taliyaha Madaxweynaha ee Ciidamada Mudane Cabdi samad X. Gam gam iyo xoghayaha gaarka ah ee Madaxweynaha Mudane Axmed Maxamed Ciise.


 


Alla Mahad leh


Axmed Maxamed Ciise
Xoghayaha Gaarka ah ee Madaxweynaha JSL