Madaxweynaha Somaliland Oo Maanta La Kulmay Safiirka Midowga Yurub Ee Dalka Somaliya

 



Hargeysa (TNN) :- Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi waxa uu maanta kul an la yeeshay safiirka midowga yurub ee Soomaaliya Ambassador Veronique Loren zo oo dalka ku sugan, waxaana kulankaasi lagaga wada hadlay sidii loo xoojin lahaa loona dar dar gelin lahaa xidhiidhka wada shaqayneed ee midawga yuurb iyo Somalila nd.

Waxa kale oo ay ka wada hadleen madaxweynaha iyo safiirku sidii laysaga kaashan lah aa, loona adkayn lahaa wada shaqaynta amniga iyo arrimaha budhcad badeeda, midaw ga yurubna ay sii wadan taageerada ay Somaliland, awalba ka siin jirtay arri maha la xi dhiidha, maalgashiga, qorshaha mashaariicda horumarineed ee dalka lagu horumarinayo iyo inay xooga saaraan, mashruuca weyn ee lagu dhisayo waddada u dhaxaysa Berbera iyo Wajaale loona yaqaan (Berbera Corridor), waxa kale oo kulank aasi lagu soo qaaday sidii dib loogu bilaabi lahaa wada hadaladii u dhexeeyey Somaliland iyo Soomaaliya.

Waxaanu kulankaasi ku soo dhamaaday is afgarad iyo in sare loo qaado xidhiidhka la b da dhinac ee Somaliland iyo Midawga yurub, sidoo kalena ay Somaliland ka taagee ran dhinacyada maalgashiga, qorshaha horumarineed iyo tayeynta waxbarashada gaar ahaan farsamada gacanta.