Madaxweynaha Somaliland Oo Hay’adda Korontada Dawlada U Magacabay Maareeye Cusub.
 

 


siilaanyo"In Mudane Axmed Maxamed Jaamac Aaden,laga bilaabo tariikhda maanta uu ahaado Maareeyaha Hay’adda Korontada Hargeysa.”....


Hargeysa (TNN):- Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa magacaabay Maareeyaha Hay’adda Korontada Hargeysa, ka dib markii jagadaasi ay mud banaanayd oo uu muran mudo ka jiray haystay Hay,addaas.

Madaxweyne Axmed Siilaanyo waxa uu u magacaabay Mudane Axmed Maxamed Jaamac inuu noqdo Maareeyaha Hay’adda Korontada Hargeysa,


Digreetadii lagu magacaabay Maareeyaha Hay’adda Korontadda Hargeysa, oo nuqul ka mid ahi soo gaadhay warbaahinta waxay u dhignayd sidan:-


Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Markuu arkay: qodobka 90aad, Faqradiisa 3aad, Xarafka (kh) ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland.


Markuu tixgeliyay: Ahmiyadda ay Hay’adda Korontadu u leedahay dhismaha Qaranka;
Markuu arkay: In baahi loo qabo buuxinta jagada Maareeyaha Hay’adda Korontada;
Markuu ka fiirsaday: Natiijadii tartanka loo gelay ee Maareeyaha Hay’adda Korontada Hargeysa;
Markuu ku qancay: Inuu hanan karo, aqoon iyo kartina u leeyahay jagadan;
Wuxuu go’aansaday

In Mudane Axmed Maxamed Jaamac Aaden,laga bilaabo tariikhda maanta uu ahaado Maareeyaha Hay’adda Korontada Hargeysa.”


Timacade News Desk
Hargeysa,Somaliland