WAR-SAXAAFADEED





“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Axmed Maxamed Silaanyo, waxa uu Digreeto Madaxweyne oo sumadeedu tahay, JSL/M/XERM/249-2448/052014 uu isku b edel iyo magacaabis ku sameeyey Agaasimeyaasha Guud ee Wasaaradahan hoos ku qoran.

Madaxweynuhu:-

Markuu Arkay:Qodobka 90aad, Faqradiisa 3aad, Xarafka (kh) ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markuu Tixgeliyey:Ahmiyadda ay Agaasimayaasha Guud ee Wasaaraduhu u leeyihiin dhismaha Qaranka;

Markuu Arkay:In baahi loo qabo in isku beddel lagu sameeyo jagooyinkan hoos ku xusan;

Markuu La Tashaday:Madaxda ay khusayso;

Markuu Ku Qancay:In ay hanan karaan xilalkan loo magacaabay;

Wuxuu go’aansaday

In Mudane, Aadan Cabdilaahi Cabdille, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Agaas imaha Guud ee Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta ee JSL.
 

In Mudane, Maxamed Cilmi Xuseen, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Agaasima ha Guud ee Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda ee JSL.

In Mudane, Abiib Axmed Cali, uu ahaado Agaasimaha Guud ee Tacliinta Sare ee Wasaa radda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Jamhuuriyadda Somaliland (Hore Cadaalada)

In Mudane, Khadar Axmed Diiriye, uu ahaado Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Cada aladda iyo Arrimaha Garsoorka Jamhuuriyadda Somaliland, (hore Tacliinta Sare)

In Mudane, Maxamed Cilmi Aaden, uu ahaado Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaa finta, Wacyigelinta iyo Dhaqanka ee Jamhuuriyadda Somaliland. (hore Kalluumaysiga).”

 


“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Axmed Maxamed Silaanyo, waxa uu Digreeto Madaxweyne oo sumadeedu tahay, JSL/M/XERM/249-2446/052014 ku magacaabay gudoomiyeyaasha Gobolada Saaxil, Sanaag iyo Gabiley

Madaxweynuhu:-

Markuu Arkay:Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markuu Arkay:Qodobka 110aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markuu Tixgeliyay:Ahmiyadda ay Gudoomiyeyaasha Gobolladu u leeyihiin dhismaha Qaranka;

Markuu Aqoonsaday:In baahi loo qabo buuxinta jagada Guddoomiyeyaasha Gobolada Saaxil, Sanaag iyo Gabiley;

Markuu La Tashaday:Madaxda ay hawshani khusayso;

Markuu Arkay:In uu hanan karo xilkan loo magacaabay;

Wuxuu go’aansaday

In Mudane, Mustafe Cabdi Ciise (Shiine), laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Gud oomiyaha Gobolka Gabiley ee Jamhuuriyadda Somaliland.

In Mudane, Fahmi Cabdi Bidaar, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Gudoomiyaha Gobolka Saaxil ee Jamhuuriyadda Somaliland.


In Mudane, Maxamuud Cali Saleebaan (Ramaax), laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Gudoomiyaha Gobolka Sanaag ee Jamhuuriyadda Somaliland.”
 


“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Axmed Maxamed Silaanyo, waxa uu Digreeto Madaxweyne oo sumadeedu tahay, JSL/M/XERM/249-2450/052014 uu ku ma gacaabay Maareeye Ku-xigeenka Hay’adda Ka hor-tagga Aafooyinka Dabiiciga ah ee (NERAD) ee JSL.

Madaxweynuhu:-

Markuu Arkay:Qodobka 90aad, Faqradiisa 3aad, Xarafka (kh) ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markuu Tixgeliyey:Ahmiyadda ay Hay’adda Ka hor-tagga Aafooyinka Dabiiciga ahi u leedahay Dhismaha Qaranka;

Markuu Arkay:In baahi loo qabo buuxinta jagada Maareeye Ku-xigeenka Hay’adda Ka hor-tagga Aafooyinka Dabiiciga ah;

Markuu La Tashaday:Madaxda ay khusayso;

Markuu Ku Qancay:In aan looga maarmayn jagadan oo uu hore uga soo shaqeeye, aqoon iyo kartina u leeyahay jagadan;

Wuxuu go’aansaday

In Mudane, Axmed Muxumed Geelle (Dacar), laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Maareeye Ku-xigeenka Hay’adda Ka hor-tagga Aafooyinka Dabiiciga ah ee (NERAD) ee JSL.”
 


“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Axmed Maxamed Silaanyo, waxa uu Digreeto Madaxweyne oo sumadeedu tahay, JSL/M/XERM/249-2451/052014 ku magac abay Gudoomiyaha Guddiga Mihnadlayaasha Caafimaadka iyo Ku-xigeenkiisa.

Madaxweynuhu:-

Markuu Arkay: Qodobka 90aad, Faqradiisa 3aad, ee Xarafka (kh) ee Dastuurka Jamhuu riyadda Somaliland;
Markuu Arkay: Qodobka 6aad ee Xeerka Guddiga Mihnadlayaasha Caafimaadka ee Xeer Lr. 19/2001;
Markuu Tixgeliyey: Ahmiyadda Guddiga Mihnadlayaasha Caafimaadku u leedahay dhismaha Qaranka;
Markuu Arkay: In baahi loo qabo magacaabidda Guddoomiyaha Guddiga Mihnadlayaasha Caafimaadka iyo ku xigeenkiisa
Markuu La Tashaday: Madaxda ay khusayso;
Markuu Ku Qancay: In ay hannan karaan, aqoon iyo kartina u leeyihiin jagadan;
Wuxuu go’aansaday

In Dr. Axmed Xaashi Oday, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Guddoomiyaha Gu ddiga Mihnadlayaasha Caafimaadka ee Jamhuuriyadda Somaliland.

In Mudane, Cabdiraxmaan Maxamed Axmed Doodi, laga bilaabo taariikhda maanta uu ah aado Guddoomiye Ku-xigeenka Guddiga Mihnadlayaasha Caafimaadka ee Jamhuuriyadda Somaliland.”
 


Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Axmed Maxamed Silaanyo, waxa uu Digreeto Madaxweyne oo sumadeedu tahay, JSL/M/XERM/249-2453/052014 Ku maga caabay Wasiir Ku-xigeenka Amniga ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee JSL.

Madaxweynuhu:-

Markuu Arkay:Qodobka 90aad, Faqradiisa 2aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markuu Tixgeliyey:Ahmiyadda weyn ay Wasaaraduhu u leeyihiin Dalka iyo dhismaha Qaranka;
Markuu Arkay:In baahi loo qabo buuxinta jagada Wasiir Ku-xigeenka Amniga ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee JSL;

Markuu Ka Fiirsaday:Kartidiisa, aqoontiisa iyo hufnaantiisa shaqo;

Markuu ku Qancay:In uu hanan karo xilkan loo magacaabay;

Wuxuu go’aansaday

In Mudane, Cali Maxamed Cilmi, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiir Ku-xig eenka Amniga ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee JSL.”

 

“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Axmed Maxamed Silaanyo, waxa uu Digreeto Madaxweyne oo sumadeedu tahay, JSL/M/XERM/249-2448/052014 ku magac aabay taliyaha cusub ee ciidanka madaxtooyadda Somaliland.

Madaxweynuhu:-

Markuu Arkay:Qodobka 90aad, Faqradiisa 3aad, xarafka (d) ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;
Markuu Tixgeliyey:Ahmiyadda ay Ciidanka Ilaalada Madaxtooyadu u leeyihiin dhismaha Qaranka;
Markuu Arkay:In baahi loo qabo buuxinta jagada Taliyaha Ciidanka Ilaalada Madaxtooyada JSL;
Markuu Ka Fiirsaday:Kartidiisa, aqoontiisa iyo hufnaantiisa shaqo;
Markuu Ku Qancay: In uu hanan karo xilkan loo magacaabay;

Wuxuu go’aansaday

In Mudane, Axmed Cali Maygaag, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Taliyaha Ciidanka Ilaalada Madaxtooyada Jamhuuriyadda Somaliland.”

 

“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Axmed Maxamed Silaanyo, waxa uu Digreeto Madaxweyne oo sumadeedu tahay, JSL/M/XILQ/249/1-2455/052014 xilalkii ay hayeen uu kaga qaaday Wasiir Ku-xigeenkii Amniga ee Wasaaradda Arrimaha Guda ha Taliyihii Ciidanka Ilaalada Madaxtooyada, Gudoomiyeyaashii Gobolada Saaxil, Gabiley, Sanaag, Agaasimihii Guud ee Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta, Agaasimihii Guud ee Hor e ee Wasaaradda Warfaafinta, Wacyigelinta iyo Dhaqanka,

 

Xilka Qaadista

1. Mudane, Cabdilaahi Abokor Cismaan, Wasiir Ku-xigeenkii Hore ee Amniga ee Wasaar adda Arrimaha Gudaha

2. Mudane, Yuusuf Ibraahim Geedi, Gudoomiyihii Hore ee Gobolka Gabiley

3. Gaashaanle, Faysal Kaamil Ciise, Taliyihii Hore ee Ciidanka Ilaalada Madaxtooyada JSL

4. Mudane, Cabdirashiid Cabdilaahi Maxamed, Agaasimihii Guud ee Hore ee Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta

5. Mudane, Cabdirashiid Jibriil Yuusuf, Agaasimihii Guud ee Hore ee Wasaaradda Warfaafinta, Wacyigelinta iyo Dhaqanka

Mudanayaal,

Waxa aan aad idinku mahadinaqayaa mudadii aynu wada shaqaynaynay. Xilalka Qarank a ayey dabcigeed tahay in ay meerto noqoto oo kolba cid hannan karta loo dhiibo.

Sidaa darteed, waxaan gartay in aan idinka qaado xilalkii aad qaranka u hayseen.

Haddaba, waxaan idinka rajaynayaa in si niyad sami ah aad ugu wareejisaan xilalkaasi cidaan u soo igmaday.”

 

Axmed Saleebaan Dhuxul

Afhayeenka Madaxtooyadda