Madaxweynaha Somaliland Oo Kulan Balaadhan La Qaatay Jaaliyada Somaliland Ee Dalka Maraykanka.

 

 



Kulankan oo ay si weyn uga soo qaybgaleen jaaliyadasomaliland oo isaga kala yimi Gobolada kala duwan ee dalka maraykanka iyo ....


Washington-DC (TNN)- Madaxweynaha Somaliland iyo wafdigiisii Uu Hogaaminayey oo ku gud a jira socdaakii uu ku joogay dalka Maraykanka ayaa kulan balaadhan kula yeeshay magaala da Washintong jaaliyada Somaliland ee ku dhaqan dalkaas.

Kulankan oo ay si weyn uga soo qaybgaleen jaaliyadasomaliland oo isaga kala yimi Gobolada kala duwan ee dalka maraykanka iyo kanada oo lagu tilmaamay kulankii ugu balaadhnaa ee jaaliyada Somaliland eek u dhaqan wadankaasi ay kula kulman hogaanka dalka oo ay si weyn ugu riyaaqeen ayaa madaxweynuhu waxa uu ugaga xogwaramay jaaliyadda waayaha dalka iyo dadaalka xukuumada ee ku wajahan horumarinta dalka iyo ka midho dhalinta himilada sh acabka Somaliland isaga oo faah faahin ka siiyay wada hadaladii dhawaan dhexmaray dawla daha Somaliland iyo somaliya.

Waxa iyana kulankaas madaxweynuhu la yeeshay jaaliyada Somaliland ee cariga maraykank a ka hadlay xubno wasiiro ah oo ka mid ah wafdiga madaxweynaha kuwaas oo ku dheeraad ay waxqabadka kala duwan ee xkuumadu ku hormarinayso dalka.

Xubno kamid ah asuuliyiinta jaaliyada oo kulankaas ka hadlay ayaa iyana halkaas kasoo jee diyay warbixin la xidhiidha jaaliyada iyo doorkeeda horumarineed ee dalka .
 

 


Timacade News Desk
Washington-DC,USA